Quantcast
Channel: Warar Xaqiiqo ah Kala Ishahiiraan
Viewing all 2155 articles
Browse latest View live

Somalia: Gunmen murder Two Govt Soldiers in Beledweyne.

$
0
0

Unknown gunmen have killed two Somali security force members in the central town of Beledweyne, the latest in string of assassinations targeting elders, army soldiers and aid workers.

Confirming the incident, senior police officers confirmed to Radio Shabelle the murder of the two soldiers – one policeman and a military serviceman who have been shot dead at a restaurant in the city on Friday.

The assassins managed to escape the scene before police arrived, the officers said they are launching an investigation to find out the motive of the assassination and the culprits.

No group has yet claimed responsibility for the killing.

Several high-profile figures, including United nations mine action service (UNMAS) employee who was in charge of Hiiraan region have been executed in the town over the past few months.

 


Website-kii Trump oo La Jabsaday + Muslimiinta oo Weli Jawaabaya,

$
0
0

Kooxaha loogu yeero Burcadda jabsata Internetka waxay shalay muddo hal saac ah hawada ka saareen mid ka mid ah Websaytyadda uu Musharaxa Donald J.Trump u adeegsanayo Ololihiisa Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka Maraykanka.

Donald J. Trump oo ah Ganacsade dhismo 68 Dabaq ah ku leh Manhattan ee Gobalka New York ayaa la sheegay in Websaytkiisa hawada si kooban looga saaray, kadib, markii uu ku baaqay in Muslimiinta laga xayiro inay soo galaan Maraykanka.

Kooxaha jabsada Internetka “ hackers” markii ay hawada ka saareen Markii Websaytkiisa waxay Twitterka soo dhigeen inay tallaabadaasi u qaadeen hadalkii Donald J. Trump ku muujiyey nacaybka iyo Xag-jirnimadda uu u muujiyey dadka Muslimiinta.

Musharaxa Donald J. Trump waxa uu Cambaarayn Caalami ah kala kulmay hadalka uusan u fiirsanin ee uu ku sheegay in Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka.

Hadalkaasi ayaa waxa uu utun ku noqday Sumcadiisa iyo Mustaqbalkiisa, waayo waxa uu abuuray Xiisad ay ku kala qeybsami karaan  Dadyowga kala Diinta ee si nabad ah u wada deggan Maraykanka.

Dhinaca kale, Dibadbaxayaal ka caraysan hadalkii Musharax Donald J. Trump ayaa waxay shalay (Jimco) dibadbax ka dhigeen Faras-magaalladda Manhattan, inkastoo ay Ilaaladda Ammaanka ay ku tacadiyeen qaar ka mid ah Dibadbaxayaasha.

Jamiila Xamaami oo ah Agaasimaha Fulinta ee Mashruuca The Queer Detaine Empowerment Project ayaa ka mid ahayd Dibadbadayaasha bannaanka loo saaray.

Waxay sheegtay in mid ka mid ah Ilaaladda uu  timaheeda qaawiyey, uguna hanjabay inuu jaranjarada dabaqa ka tuuri doono.

Muquaal Video ah ayaa isagana muujinaya haweeney ka mid ahayd Dibadbaxayaasha oo dhulka jiifta, kadib, markii uu mid ka mid ah Saraakiishaa Ilaaladda oo horey u tuuray haweeneydaasi.

Dhageyso : gudoomiyaha degmada beledweyne ayaa kahadlay dhibaatoyinka haysta dadka soo barakacay ee ku nool magaalada beledweyne

$
0
0

gudoomiyaha degmada beledweyne maxamed  cabdi cismaan  ayaa sheegay in   ay ku noolyihin magaalada beledweyne  dad badan oo soo barakay oo aan weli xelin wax  gar gaar waxaan uu shehegay in ay jiraan hay’ada badan oo aan shacabka wax u qabaanin.

 

 

 

DHAGEYSO:- Xildhibaan Cabdi Xaashi “ ma ogolaaneyno in darteedna Shacabka loo dhibaateeyo Wadooyinkana looga Xero

$
0
0

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Warfafinta Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlaayay Kulankii Baarlamaanka Maanta ayaa sheegay in ay jirto dhhibaato weyn oo lagu qabo Kulamada Baarlamaanka.

Waxa uu tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan marka ay shirayaan Baarlamaanka Soomaaliya maadamaa la Xero Wadooyinka soo gala Xarunta Golaha Shacabka iyo Wadada dheer ee Sayidka ee Xarunta Baarlamaanka hor marta.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in aysan raali ka ahayn in dartood Shacabka loo dhibaateeyo loona Xero wadooyinkii ay isticmaali lahaayeen Shacabka.

Z0000042

 

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa saaka ka qarxay dagaal u dhaxeeya labo beelood oo dhawaan ku dagaallamay Magaalada beledweyne

$
0
0

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa saaka ka qarxay dagaal u dhaxeeya labo beelood oo dhawaan ku dagaallamay Magaaladaasi.
Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne Max’ed Cabdi Cismaan Qallaafoow ayaa u xaqiijiyay    warbaahinta
l in dagaalkaasi uu saaka qarxay ilaa hadda socda.
Qallaafoow waxaa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ee jooga Baladweyne ay hadda ku baxeen dagaalka iskuna dayayaan in ay kala dhexgalaan.
Beelaha saaka dagaallamaya ayaa bil ka hor ku dagaallamaya Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne,waxaana jirtay in ay heshiyeen.
Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka ka socda magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

China oo $2.2 milyan oo doollar ugu deeqday AMISOM.

$
0
0

Dowladda Shiinaha ayaa howgalkja midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya ee AMISOM waxaa ay ugu deeqday $2.2 milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Warbixin uu soo saaray howglka AMISOM ayuu ku sheegay in Lacagtaasi $1.2 Milyan oo ka mid ah loo adeegsan doono daryeelka Ciidamada iyo shaqaalaha AMISOM.
Halka $1milyan oo kalena lagu bixin doono dayarctirka iyo dib u dhiska Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee SNA,waxaana warbixintan ay ka soo baxday Xafiiska wakiilka Nabadda iyo Amaanka u qaabilsan Midowga AFrika oo sidoo kale bogaadiyay deeqda ay ka heleen Shiinaha.
28kii Bishii Saptember ayaa Madaxweynaha Dalka Shiinaha waxaa uu ballan qaaday in Ciidamad Heeganka ah ee Qaaradda Afrika uu ku deeqayo $100,000,000 oo Doollar,taas oo uu sheegay in AMISOM ay qeybtan ka heshay.
Madaxweynaha Dalka Shiinaha ayaa sidoo kale Shirkii Afrika iyo Shiinaha ee ka dhacay Dalka Koofur Afrika billowgii Bishan waxaa uu kaga dhawaaqay $60Bilyan oo doollar oo uu Qaaradda Afrika siinayo Shiinaha.

Iska horimaad u dhexeya Ciidamo maleeshiyo beelleed ah ayaa maanta ka Qarxay Xaafadda Howlwadaag ee Magalada Baladweyne

$
0
0

14  Ruux ayaa ku dhawacmay Raasaasta ay is weydarsanayan dhinacyada dagaalamay kuwaaso qaba dhawacyo kala duwan.

Qaar ka mid ah     dadka  ku nool xaafada  uu dagaalka ka dhacay  sheegay in  isbitaalka     magaalada beledweyne    la gaarsiiyay dad shacab ah oo ku soo dhawacmay Rasaasta ay is weydarsanayan dhinacyada ku dagalamaya Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne.

 

Iska horimaadkan uu dhexeya labo Maleeshiyo beeleed ee ka Qarxay Magalaada Baladweyne ayaa saameyn ku yeeshay isku socdka Gadiidka iyo dadka iyado Gaabi ahanba ay xiran yihiin Goobaha ganacsiga ee ku yalla Xaafadda Howlwadaag,

 

Ciidamada labada Meeshiyo beeleed  ayaa is weydarsanaya mararka qar Hub Culus iyado dhawaqa Rasaasta laga maqlayo Xaafaddaha Magaalada Baladweyne islamarkana cabsi badan ku abuurtay dadka ku nool Magaalada kuwaaso ka cabsi qaba in ay wax yeelo ka soo gaarto,

 

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorshooyinka dalka 2016-ka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, kaasoo noqonaya wajigii labaad oo lagu qabto Muqdisho; iyadoo ay khudbado kala duwan ka jeediyeen mas’uuliyiinta dowladda Somalia iyo kuwa maamullada dalka.

$
0
0

Shirkan oo socon doona laba casho ayaa waxaa looga hadlayaa natiijooyinkii ka soo baxay Shirarkii lagu qbatay gobollada Soomaaliya, iyadoo Natiijooyinkii kasoo baxay Shirarkaas ay noqdeen kuwo si aad ah loogu kala argti duwan yahay.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominaya shirka maanta furmay ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay kulammo wada-tashi ah ay u socdeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka, isgaoo rajo ka muujiyay in la isku soo dhawaan doono, argtiydii gobollada dalka laga soo ururiyayna loo qaabeyn lahaa.

“Anagoo ka duulayna wada-tashiyo saddexda maalmood ee lasoo dhaafay noo socday, aad iyo aad ayaa u lafa-gurnay talooyinkii ay shacabka Soomaaliyeed soo jeediyeen, muhiimadda ay leedahay waa sidii loo qaabeeyn lahaa siyaasad Qaranna looga dhigi lahaa, wali dooddu way socotaa, wax badan ayaana dhiman, wax badanna way soo qabsoomeen, waxaa rabaa in la muujiyo dul-qaad, Rajadu ma xuma, guul iyo af-garad ayuuna shirkku noogu dhamaan doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, RW Somalia Cumar C/rashiid oo isana shirka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isku tanaasulo, lana muujiyo hanaanka doorashooyinka sannadka 2016-ka, ayna muhiim tahay in arrin dalka iyo dadka dan u ah la isku raaco.

Ergeyga QM ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka aysan marnaba raalli ka ahayn inuu dhaco waqti kororsi, isla markaana loo baahan yahay in qaab wanaagsan loo wajaho hannaanka doorasho dalka ee sannadka 2016-ka.

Waxaa kaloo, ka hadlay shirka, madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali [Gaas] oo xusay in shirarkii wada-tashi oo ka dhacay lix magaalo oo ka tirsan Puntland ay talooyinkii shacabka soo jeediyeen uu ahaa in doorashada la qabanayo sannadka 2016-ka lagu saleeyo Hab deegaan, isla markaana aan loo baahnayn inuu Baarlmaanka ka mid noqdo xildhibaan dambe oo aan matelin deegaankiisa.

Dhanka kale, Cabdiweli Gaas ayaa xusay in aragtida shacabkooda ay Xushmeynayaan, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo nidaamkii 4.5 ee awood-qaybsiga habka beelaha ah laga gudbo, oo aan mar kale la isticmaalin.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe oo isna hadlay ayaa xusay inaan loo baahnayn in sannadka 2016-ka uu is bedel dhaco, isagoo ku baaqay in wax lagu soo doorto doorashada 2016-ka xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka degmooyinka 18-kii gobo lee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, shirka ayaa la filayaa inay ugu dambeyn kasoo baxaan qodobbo la isku raacsan yahay oo tilmaamaya habka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.


DHAGEYSO: 9 Ruux oo ku dhintay Dagalka ka socda Baladweyne iyo 31 ku dhawacmay,

$
0
0

in ka badan 9   Ruux ayaa geeriyootay 31   kalan way dhawacmeen  kadib markii  dagal Culus uu ka  Qarxay  Xaafadda Howlwadaag islamarkana uu dhexeya  labo Maleeshiyo beeleed oo wada dega Galbeedka Magaalada Baladweyne,

Agaasiimaha Guud ee isbitalka Baladweyne Axmed Maxamed khaalif ayaa sheegay in isbitaalka la soo gaarsiiyay in ka badan 23 Ruux oo qaba dhawacyo kala duwan.

Marka laga soo  tago khaasaraha soo kala gaaray dhinacyada dagalamay waxaa jira dad shacab ah oo  ku dhawacmay Xaafaddo ka baxsan halka lagu dagalamay.

Ugaas Cabdiraxmana Ugaas khaliif iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay in dhinacyada ku dagalamaya Xaafadda   Howlwadaag in ay joojiyan Dagalka,

war bixin bashiir cabdulahi cismaan b war bixin bashiir cabdulahi cismaan b

DHAGEYSO :Madaxweyneyaasha Puntland iyo Koofur Galbeed oo isku Jawaabay

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Qudbad ka jeediyay Furitanka shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa sheegay in mudada ay socdeen shirarka  wadatashiga ah in wax cadaadis ah aysan kala kulmin Wadamada Taageera Soomaaliya taas badalkeedana’ waxaa uu Carbaabay in wada tashiyadu ay ahayeen Soomaali Soomaali la tashanneeyso.
Waxaa uu Madaxweynaha Soomaaliya Amaan u soo jeediyay Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya Shirka iyo sidoo kale Wadamada Beesha caalamka ee Dowldda Gacan siiya.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali  ayaa dhankiisa waxa uu soo bandhigay fikirka shacabka Puntlnd ay ka qaban geedi socodka Soomaaliya 2016 ,isagoo  xusay Shirkii Garowe {1} ee la qabtay Xilligii Dowladdii KMG aheed in lagu heshiiyay sidii looga tanaasuli lahaa nidamka 4.5 ee hadda ay ku dhisan tahay Dowladda Ferderaalka Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka K/galbeed oo jawaab kooban siiyay dhigiisa Puntland ayaa sheegay in heshiiskii Garowe {1} qodobadii lagu heeshiyay qaarkood in aan la fulin sida darteedna ka fikirkiisa ahaan Shirkii Garowe {1} in Maanta uu Koow yahay waxyaabihii Shirkaasi lagu heshiiyayna aysan dhaqan galin,waxaana uu xusay in Garowe {1} la isku raacay in la sameeyo Golaha Aqalka Sarre taasina aysan dhicin sida uu yiri Shariifka..
Shirka ayaa la go’amiyay in la soo xiro Maalinta Bari ah ,balse waxa la shaaciyay in ay Macquul tahay in uu gaaro ilaa Bari Danbe.
Halkaan Riix si aad Codka u dhageysato

 

ishahiiraan.com

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalada Muqdisho’ Oo Baarlamaanka Soomaliya Looga Yeeray

$
0
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xusseen Jimcaale ayaa hada u muuqda shaqsi ku wareersan siddii uu fasiraad uga bixin lahaa wareejintii Ex xaruntii baarlamaanka ee Degmada Boondheere’ kaddib markii looga yeeray gollaha baarlamaanka Soomaaliya.

Yuusuf Xusseen Jimcaale ayaa dhawaan meel fagaaro ah ka sheegay in Ex xaruntii baarlamaanka degmada’ Boondheere uu ku wareejiyay TV-ga Universal oo sidda uu sheegay dib u dayactir ku sameyn doonna xarunta oo muddo dheer bur bursaneyd.

Hasse ahaatee waxaa arintaa ku gacan-seyray xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo ku tilmaamay tallaabada uu qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir mid sharci darro ah, waxaana ay qaarkood ka shan-qariyeen in ay hishiiska dhaxmaray guddoomiyaha maamulka gobolka iyo milkiilaha TV-ga Universal arrimo kale ku hoos jiraan.

Kulan xalay magaalada Muqdisho ku dhaxmaray guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir afhayeenka baarlamaanka Prof Jawaari, ayaa si kulul looga wadda-hadlay khadiyada ku saabsan wareejinta xarun baarlamaanku leeyaha, waxaana uu Prof Jawaari ka ka dalbaday guddoomiyaha gobolka in uu hortago xildhibaannada fasiraadna ka siiyo arintan.

Dowlada Soomaaliya & Madaxda’Mamulgoboleedyada Oo Manta Kulan Gar Ah Yelanayo’

$
0
0

Dowlada Soomaaliya & Madaxda’Mamulgoboleedyada Oo Manta Kulan Gar Ah Yelanayo’
Dec 14, 2015 – jawaab
Madaxda Dowladda Federaalka & Madaxda Mamul’Goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan hanaanka Doorashooyinka 2016, kaasoo lagu kala aragti duwan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Kulankan gaar ah ayaa ka dhinac dhici doona wareega labaad ee shirka madasha wada tashiga qaran ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in Madaxda ay ka doodaan kala aragti duwanaanshaha jira ka hor inta aan la isku raacin hal aragti.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in kala aragti duwanaanshaha jira uu micnaheedu aheyn inuu khilaaf jiro, isagoo xusay in ugu dambeyn la gaari doono go’aan mid ah.

Maadaama shirka socdo, illaa iyo hada go’aan rasmi ah oo la gaaray ma jiro, maanta waxaa jiri doona kulan gaar ah ay yeelanayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada, waxay halkeeda ka sii wadi doonaa aragti is weydaarsigooda ku aadan hanaanka geedi socodka doorashooyinka, berri waxaa la filayaa in la isku soo laabto, horayna loogu soo wado doodaha socda, si ugu dambeyn la qaato go’aan loo dhan yahay”ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys.

Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale sheegay in kulankan marka uu dhamaado uu jiri doono kulan kale oo ka dhici doona dalka Turkiga, halkaasoo lagu soo bandhigi doono natiijada ka soo baxa kulankan sida uu yiri.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa ku kala aragti duwan nooca doorasho ee la qaadan doono’ iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubaland ay isku mowqif yihiin, halka Maamulada kale ee Koofur Galbeed iyo Galmudug ay aragti ka duwan kan labadaas maamul ay qabaan.

Lama oga sida labada dhinac isugu soo dhowaan doonaan, waxaana dooda culus ee madasha taal ay tahay in la qaato hab deegaan ama 4.5, iyadoo laga sugayo in madaxda shirka ka qeyb galeysa inay isku raacaan hal aragti oo mideysan

DHAGEYSO: Shaqaalaha iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Beledweyne oo 70 ka badan mushaar ma qaadan 11-bilood

$
0
0

Maamulka Isbitaalka Guud ee magaalada Beledweyne ayaa sheegay in aysan Mushaar qaadan Shaqaalaha Isbitaalka iyo dhaqaatiirtuba muddo ku siman 11-bilood.
Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Beledweyne Axmed Maxamed Qaliif, ayaa u sheegay  ishahiiraan.com  in aysan sii socon karin Howsha Isbitaalku haddii aysan shaqaaluhu helin xuquuqda ay leeyihiin oo aan markii horeba badneyn.
Aagaaismaha ayaa sheegay in hey’addii taageeri jirtay Isbitaalka uu qandaraaskii ka dhammaaday, muddo hadda laga joogo 11 bilood, wuxuu kalsooni darro ka muujiyey in Sanad ay dad ku shaqeyn karaan Mushaar la’aan.

Shaqaalaha iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Beledweyne oo 70 ka badan mushaar ma qaadan 11-bilood -

Madaxweyne Xasan: Beesha Caalamka faragelin kuma heyso Siyaasadda Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan fara gelin ku heyn Siyaasadda Soomaaliya balse ku tilmaamay in Soomaaliya ay ka taakuleyso dhinacyo badan.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ay taageero dhan walba ay la garab taagyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sikastaba, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in aanu muujin wax baqdin oo ku aadan isbadalka la filayo in Dalka uu ka dhaco Sanadda 2016 waxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in horey loo socdo

 

Dagaal Maalintii labad ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne,

$
0
0

Iska horimaad u dhexeya labo Maleeshiya beelood oo wada dega xaafada howl wadaag ee magaalada beledweyne ayaa maalintii labada ku dhaxmaray Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne.
Dagalkan maalintii labad ka socda Xaafadda Howlwadaag ayaa sameeyn ku yeeshay dhaq dhaqaaq ganacsiga Xaafadda Howlwadaag iyado dadkii ku noolaa Xaafadda ay is kaga barakaceen Guryahood,

Ciidamada labad dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan iyado dhawaqa Rasaasta laga maqlayo dhamaan Xaafaddaha ay ka kooban tahay Magalaada Baladweyne ila iyo hadda lama oga khasaraha dhabta ah ee ka dhashay dagalkan maanta markale ka qarxay Xaafadda Howladaag iyado dagalkii shalay ay ku dhinteen in ka badan 15 Ruux halka 40 kalan ay ku dhawacmeen,


DHAGEYSO :Maamulka G/Hiiraan oo ka dalbaday DFS dardar gelinta Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

$
0
0

Sheekh Xuseen Cismaan Cali, Guddoomiye ku xigeenka dhinac armaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Dowladda Soomaaliya waxuu ugu baaqay dardar gelinta Maamul u sameynta Gobollada Sh.Dhexe iyo Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale xusay in ay dhiman tahay oo kaliya Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh.Dhexe islamarkaana ay muddo qaadatay soo dhisideeda, isagoo tilmaamay in Bulshada labadaasi Gobol ay diyaar u yihiin in Maamul loo dhan yahay loo dhiso labadaasi Gobol.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali, Guddoomiye ku xigeenka dhinac armaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa hadalkaan ka jeediyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyadoo bilo ka hor Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in Maamul loo sameenayo Gobollada Hiiraan iyo Sh.Dhexe

wareyisi sh xuseen cismaan cali waxaana wareysnaya wariye bashiir cabdulahi cismaan

Z0000032

Somalia: Heavy clan fighting reignites in Beledweyne city.

$
0
0

Heavy fighting between two clan militias reignited on Monday in the strategic town of Beledweyne, the provincial capital of Hiiraan in central Somalia.

Residents reported that the tribal clash broke out at Howlwadag nighbourhood in Beledweyne, where two rival clan militiamen engaged in a fierce exchange of fire that left at least 14 people dead.

There are no immediate figures available regarding casualties of Monday’s battle, but residents are reporting heavy artillery fire and the use of anti aircraft weapons by both sides.

However, Hiiraan clan elders have not been communicated face-to-face, hampering efforts to broker lasting peace between the two clans.

 

Warbaahinta Muqdisho: Af Qabasho Mise Wax Kalaa Jira??

$
0
0

Waxaa dhageystay Saaka inta badan Idaacadaha Muqdisho Warkii ay 8:00 Aroornimo soo deyaan ayaa waxa aysan kusoo gudbin weerar xalay ka dhacay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dhinac markii loo Eego waa farxad oo Warbaahintu waxay diideen buun buuninta waxyaabo nabad gelyo xumo abuuraya hadana xaqiiqda wixii jira oo la sheegi waayo waa ceeb kale.
Wararka qaar ayaa dadku ay ku sheegayaan in Idaacadaha Loo hanjabay hadii ay ka hadlaan weerarkii xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Idaacada Keliya Ee Warkaasi ku dhiiratay inay sheegto oo warkeeda kusoo qaadatay waxa aheyd Radio Dalsan waxaana kuwa kale ay noqdeen kuwo Afka qabsaday.
Waxyaabaha cajiibka ah Ee Idaacadaha Muqdisho wixii xalay dhacay waxa ka mid ah inay noqdeen dhagaha iyo Afka aan is maqlin,website-yada qaar idaacadaha Muqdisho leeyihiin ayaa lagu daabacay warka weerarkii xalay dhacay,Saakana wey ka hadli waayeen.
Weerar loo adeegsaday Doon ay la socdeen rag hubeysan ayaa waxay xalay dhinaca Badda ah ka weerareen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaana ciidanka AMISOM ay sheegeen inay fashiliyeen weerar lagu soo qaaday.
Sow ma dhihi karno Warbaahinta Muqdisho: Af Qabasho Mise Wax Kalaa Jira wixii Xalay Dhacay?

Afhayeenka Ciidamadda Amisom Paul Njuguna, oo ka hadlay weerarka xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Paul Njuguna ayaa shaaciyay in dad lagu qiyaasay Afar ilaa Shan qof oo saarnaa dooni islamarkaana dhanka badda ka yimid ay ciidamadooda ilaalada ay ka shakiyeen kuwaas oo ugu dambeyntii Afhayeenku uu sheegay in ay rasaas ku rideen.

Waxaa uu xusay in aan weerar la dhihi Karin wixii xalay fiidkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaaladda muqdisho.

Mar qura xalay fiidkii waxaa rasaas xoogan laga maqlay garoonka diyaaradaha aadan cadde ee magaaladda muqdisho waxaana rasaastaasi ay baqdin galisay dadka shacabka ee ka agdhaw garoonka diyaaaradaha ee Muqdisho.

Wasaarada Caafimaadka KGS Oo Qalabka Dhiiga Lagu Keydiyo Ugu Deeqdey Isbitaalka Baydhabo{SAWIR]

$
0
0

wasaarada  Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Qalab Aad Muhiim u ah oo ah midka dhiiga lagu Keydiyo waxay ugu deeqdey Isbitaalka weyn ee degmada Baydhabo xarun KMG u Ah Dowlada KGS.

wasiirka wasaarada caafimaadka mudane isaaq Cali Subag oo ah masuul aad u damqasho badan wax abdana wasaaradiisa xaga caafimaadka ka qabatay Deegaanada Koonfur Galbeed Qaarkood ayaa maanta daqiiqado ka hor wuxuu isbitaalka Baydhabo ugu deeqey Qalabka Dhiiga lagu keydiyo kaasoo Wasiirka in mudo ah raadis kiisa ku howlanaa si ay u yeraato baahida BANKIGA Keydka Dhiiga.
Wasiirka Caafimaadka Dowlada KGS Mr. Isaaq Cali Subag ayaa wuxuu sheegey in Qalabkaan uu kasoo helo iska daba wareeg iyo orod badan hay’ada Caafimaadka Aduunka oo afka qalaadna lagu yiraahdo World Health Organization ” WHO”, waxaana Agabkaan aad qaaliga u ah lagu wareejiyey Agaasimaha guud ee Isbitaalka waxana madashaasi Goob joogayaal ka ahaayeen Maamulka Gobolka & kan Degmada Baydhabo.
Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane C/rashiid Cabdullahi, & Mr.AbdullahiAliWatiinDuqa Magaalada ayaa ayaguna si wada jir ah u amaanney Wasaarada Caafimaadka KGS, Wasiirka & dhamaan shaqaalaha wasaaradasi oo waxyaabo badan lataaban karo ka qabteen Goboladaasi waxayna ku dhiiri geliyeen in howsha wasaarada lasii laba jibaaro kuwaasoo sidoo kale wasaarado badan fadhiid ah oo maamulka KGS katirsan ugu baaqey in waajibaadkooda kasoo baxaan wax u qabashada howlaha loo dhaariyey.

12325410_1004284592964091_550919630_n

12395358_1004285746297309_361762211_n

12395311_1004288619630355_925317750_n

ishahiiraan.com

12395535_1004284556297428_1946554956_n

ishahiiraan.com

ewew

Ciidammo Itoobiyaan ah oo saakay la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuuso-mareeb

$
0
0

Wararka laga helayo magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saakay ay ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb.

Ciidamadan oo wata sideed gaadiidka dagaalka ah ayaa xalay gudaha u galay garoonka oo aan waayadii dambe shaqeynayn, lamana oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa inay ciidamadani la wareegaan garoonka.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna oo horay u joogay garoonka ay ciidamadani ka eryeen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in garoonka uu ka mid yahay goobo loo asteeyay inay saldhigyo ka dhigtaan ciidamada ee ku sugan magaaladaas.

Dhanka kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ka socda Itoobiya ay doonayaan in ay dib u furaan garoonka Dhuuso-mareeb, kaasoo in muddo ah aan shaqeyn, inkastoo weli aysan jirin cid arrintan si rasmi ah ugu dhawaaqday.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli lagu wado in dhawaan uu magaalada Dhuuso-mareeb ka furmo wadahadallo ay yeelanayaan maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo lagu xallinayo khilaafyo labada dhinac u dhexeeyay.

Ugu dambeyn, taliska AMISOM oo ay hoos-tagaan ciidamada Itoobiya iyo Dowladda FS ayaan weli ka hadlin la wareegidda ay ciidanka dalka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay la wareegeen garoonka degmada Dhuuso-mareeb.

Si kasta ha ahaatee, shacabka ku nool daafaha garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta in ciidamada la wareegay garoonka ay yihiin kuwo ay ka muuqato feejignaan dheeraad ah.

Viewing all 2155 articles
Browse latest View live