Quantcast
Channel: Warar Xaqiiqo ah Kala Ishahiiraan
Viewing all 2155 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay dagaaladii ka dhacay Beledweyn iyo Marka

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay dagaalo maamihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalooyinka Beledweyn iyo Marka ee xarumaha Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Hooe.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Beledweyn lagula xisaabtami doono, isagoo ku baaqay in deg deg ah loo joojiyo dagaalada.

“Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo, Waa in degdeg dagaalka loo joojiyaa dagaalka Beledweyn, qolyaha ku lug lehna ay xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo, Cid walba oo dhiigga shacabka daadisa sharciga ayaa la hor keenayaa, mana jiro ruux sharciga ka sarreeya oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya’’.

Madaxweynaha ayaa faray ciidammada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shacabka Gobolka Hiiraan ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan, deegaanadoodana u diyaariyaan dhismaha maamulka cusub ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si loo dedejiyo barnaamijka baahinta xukunka iyo adeegyada aasaasiga ee bulshada.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cambaareeyay dagaaladii ka dhacay magaalada Marka, isagoo nasiib darro ku tilmaamay dagaalada ku soo noq noqday qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Soomaaliya nabad ayay u ooman tahay, mana jirto sabab shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in deg-deg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay ogaadaan in lala xisaabtamayo’’.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in gobolka Shabeeellaha Hoose ay horyaallaaan hawlo adag, sida dagaalka gobolka looga sifeynayo haraadiga Al-Shabaab iyo adeegyada aasaasiga lagu baahiyo degaannadaasi, xilliganna aan loo baahneyn colaad shacabka dhexdiisa ah.


Xildhibaan Qoono “Xukuumadda Wey Ka Gaabisay Wax Ka Qabashada Dagaalka B/weyne”

$
0
0

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xasan Qoono oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaallada ka socda magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, isaga oo eedeyn u jeediyay xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay gobalka Hiiraan gacan bidixeysay, islamarkaana aysan u gurman dagaalka ka socda Baladweyne, si nabadda magaaladaasi looga shaqeeyay.

Waxa uu sheegay in aan loo sinneyn xilligaan dowladnimada, isaga oo tusaale usoo qaatay qaabka loo xalliyay dagaalka Gaalkacyo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waad ogtahay in lagu dagaallamay Gaalkacyo, Ra’iisul wasaaraha ayaa tagay, wasiirka arrimaha gudaha ayaa tagay, wixii howl ah oo xukuumaddu waday baa la joojiyay, Seddax maalin ayaa Baladweyne lagu dagaallamayaa, hadaba Baladweyne ma Bosnia, mise Ruushka ama dalshisheeye waaye, Ra’iisul wasaaraha miyuusan shacabkaan kale u ahayn Ra’iisul wasaare” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay inay isku dayeen inay la xiriiraan Ra’iisul wasaaraha si arrintaasi loo xalliyo balse aysan helin.

Ugu dambeyn xildhibaan Qoono ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u istaagto sidii degdeg loogu joojin lahaa dagaalka ka socda magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

In ka badan 5 qof ayaa ku dhimatay dagaalka ka socda magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 50 qof, iyadoo halkaasi ay ku dagaallamayaan beello wada deggan xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

War Deg AH Wasiirka Amniga Qaranka Oo Kusoo Wajahan B,weyne

$
0
0

qaban qaabada soo dhaweynta wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga qaranka soomaaliya ayaa kasocoto garoonka  diyaaradaha caalamiga ah ee ugaas khaliif ee magalada beledweyne waxana halkaasi kusugan wax garadka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee magalada beledweyne si ay usoo dhaweeyaan wafdiga wasiirka amniga iyo xubna kale oo la socda.

lama oga ujeedka rasmiga ah ee wafdigan balse waxa ay kusoo beegmeysaa xili ay jiraan dagaalo u dhaxeeyo maleeshiyo beeledyo wada dega magalada beledweyne  mudo sadax maalmood ahna kasocda xaafada howl wadaag ee magaalada beledweyne kusaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo barakac dadweyne burbur hantiyadeed intaba waxii warar ah oo kusoo koedha waxaad kala socon doontaan hiiraanweyn.net in sha allah

Wasiirka Amniga Iyo Wafdigii Uu hogaaminayay Oo Soo Gaaray magaalada B,Weyn

$
0
0

wafdigii uu hogaaminayo wasiirka amniga qaranka ayaa soo gaaray magalada beledweyne ee xarunta gobolka waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay wafdiga garoonka diyaaradaha beledweyne waxaana wafdiga ka mida wasiiro dowlaha wasaarada maaliyada soomaaliya wasiiru dowlaha madaxtooyada soomaaliya madaxweynaha maamulka galmudug cabdi kariin xuseen guuleed iyo xubna kale.

wafdigan ay kulamoa waxaa ay ku la leeyihiin xerada amisom ee duledka magalada beledweye ceel jaale ee waxaa la filayaa in ay usoo gudbi doonan gudaha magalada beledweyne halkaas oo ay dhanka galbeed ka socoto dagaalka ka socdo gelbeedka beledweyne  kaas oo ay fashilantay xabad joojin mar dhaweyd la kala dhax dhigay

Beledweyne mayor: We did not fail to halt the enter-clan fight.

$
0
0

Beledweyne Mayor says his administration did not fail the arbitration of the two warring clan militias in the city, amid the tension remains high.

Beledweyne clan fighting killed dozens of people and forced hundreds to flee their houses, according to the residents. The local elders began efforts to restore the peace and end the enter-tribal clashes.

mohamed osmaan Mo’allin Qalafow, Beledweyne administrator said they are optimistic about the peace talks ongoing in the city, where the elders of the two rival clans are negotiating their difference which led to the battle.

The continuing efforts to end the combat between the two clan comes as in the past few days the city has witnessed deadly fighting that killed many people and wounded several others.

WAR DEG DEG AH: Sarkaal ka Tirsan Ciidamada dowlada oo lagu dilay Baladweyne,

$
0
0

Sarkaal ka Tirsana Ciidanka Dowlada Federaalka ee ka Howlagala Gobolka Hiiraan ayaa gordhow lagu dilay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne,

Dilka Sargaalkan ayaa waxaa geystay mid ka mid ah Maleeshiyadka ku dagalamaya Xaafadda Holwadaag iyado marxuunka la dilay uu ka mid ah Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Dolwada iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan oo  Saaka kala dhax galay dhinacyada isku haya Xaafadda Holwadaag ee Baladweyne,

Allaha unaxariiste  Marxuunka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray  Maxamed Mumiin Cirba dheere, waxaan uu ka mid ah Saraakiish Ciidamada dowlada iyo odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee dhax dhaxaadiinta ka wada labada beelood ee malmahan ku dagalamay Xaafadda Holwadaag,
Dilka Sargaalkan ayaa ku soo beegmaya Xili Magalaada Baladweyne ay ku sugan yihiin Wafdi iskugu jira Wasiiro Xildhibaano iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug kuwaaso ka qeyb qadanaya dhax dhaxaadiinta beelo ku dagalamay Xaafadda Howlwadaag ee Magalada Baladweyne,

Shirka Madasha wada tashiga oo maanta laga soo saari doono nooca doorasho ee dhici doonta 2016

$
0
0

Shirka Madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee 2016 ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo la soo bandhigi doono natiijada ku aadan nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka soo socda.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa jiray kulamo hoose iyo kuwo gaar gaar ahaa oo u socday Madaxda Soomaalida ee ku kala aragti duwanaa hanaanka doorasho ee dalka ka dhici karta 2016, kadib markii ay soo bandhigeen labo aragti oo kala ah in hab deegaan lagu soo doorto Baarlamaanka iyo in hab qabiil 4.5 lagu soo doorto.

Kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeyay madaxda Soomaalida ayaa sabab u ahaa in shirka oo maalintii shalay la soo xiri lahaa uu dib u dhaco, iyadoo kulamo ay lahaayeen Madaxda oo la doonayo in lagu mideeyo fikradaha kala duwan laga gaaray horumar.

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeysanayay doorashada ay noqoto hab deegaan, hase ahaate warar qaar Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in fikirkaas uu ka soo yara dabcay, isla markaana ogolaaday in hab qabiil lagu qeybsado.

Sidoo kale Madaxda Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa aragtidooda aheyd mid cad, isla markaana tusaalooyin u soo qaatay shirarkii Soomaaliya dowladaha loogu soo dhisay, isla markaana lagu saleeyay hab beeleedka 4.5.

Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in doorashada 2016 ay noqon doono hab beeleed, isla markaana Madaxda siyaasada Soomaaliya ay isku raaceen qodobkaas, hase ahaatee waxaa daba socota hab kale oo lagu dabaqi doono qaab beeleedka lagu soo xulayo Baarlamaanka, waxaana iyana hab deegaan lagu soo xuli doonaa Aqalka golaha sare.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada oo ah halka is araga ugu badani uu ka dhacay ayaa noo xaqiijiyay in maanta mar kale shirkii uu qabsoomayo, warbaahintana ay goobjoog ka noqon doonto shirka oo lagu qabanayo Xaruntii Hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliyeed Afisyooni.

Madaxda Dowladda oo aan wali fikirooda qaabka doorasha shaacin sida Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta Goob jog u ahaan doona Soo xiritaanka Shirka.

DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug : Guuleed oo sheegay inuu yahay Madaxweynaha Hiiraan iyo Sh/dhexe

$
0
0

Madaxweynaha Galmudug ayaa qeyb ka ah wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo maanta gaaray Beledweyn, si ay uga qeyb qaataan dadaalada lagu dhex dhexaadinayo beelihii ku dagaalamay Xaafada Howl-wadaag.

Isagoo ka hadlayay kulan ay kula qaateen magaalada Beledweyn odayaal iyo waxgarad ayuu sheegay in maadaama uusan haatan jirin maamul goboleed loo dhisay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe in isagu uu yahay Madaxweynaha labada gobol.

“Aniga waxaa ahay reer Beledweyn iyo reer hiiraan, magaaladan xudunteeda ku duugan tahay, ka sokow inaan ahay Madaxweynaha Galmudug, dhinaca kalena waxaa ahay Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, inta aan maamul goboleedka looga dhisayo, mar hadaan deegaankan ka soo jeedo iyo mar inaan ahay Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ahay inta Madaxweyne ka dooranayaan ayaa isoo dhaqaajisay”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug oo hadalkaas si kaftan ku jira u yiri.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay dhexda u xeran doonaan sidii colaada loo joojin lahaayeen, isla markaana aysan cidna ka baryeyn in xabada la joojiyo.

“Beledweyn waligeed waxay aheyd caasimadii Gobolada Dhexe, wayna ahaan doontaa, waxaa u imid xabada in la joojiyo shuruud la’aan waxaa u imid dadka walaalaha ee dhibka dhex maray ee is dilaya, inaan gacanta qabano oo aan joojin, xabada in la joojiyo cid aan ka baryeyna ma jirto, xoog ayaa ku joojineynaa, wada hadal ku joojinaa, walaalnimo ku joojineynaa meeshey nala tagtaa ku joojineynaa”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Mr Guuleed ayaa ugu baaqay labada dhinac inay nabada qaataan, isla markaana si walaalnimo ku jirta ay u heshiiyaan, una turaan shacabka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay siyaasiyiinta labada gobol ka soo jeeda oo ku aadan hadalkan kaftanka ahaa ee ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana markii dhinac loo fiiriyana u muuqdaa mid loo arko awooda iyo galaan-galka uu wali ku dhex leeyahay dowladda federaalka, gaar ahaan xiriirka dhow ee  kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaxib dhow ay yihiin.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa inay dhameystirto dhismaha maamulada federaalka, iyadoo maamulka kaliya ee harsan uu yahay Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaasoo ay caqabad badan ku hor-gudban tahay

 

(DHAGEYSO) Baladweyne- Cabdikariin Xuseen Guuleed- Hiiraan iyo shabeellaha dhexe aan Madaxweyne ka ah, - 

DEG DEG: Shirka Wada tashiga doorashooyinka 2016 oo laga soo saaray war murtiyeed

$
0
0

Waxaa gelinkii dambe ee maanta la soo gaba gabeeyay shirkii Madasha wada tashiga qaran ee hanaanka doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo maalmihii shirka socday la isku mari la’aa habka doorasho ee la qaadanayo, waxaana Madaxda Soomaalida ay ahaayeen kuwo ku kala aragti duwanaa.

Shirka ayaa waxaa laga soo war murtiyeed ka kooban todobo qodob, kaasoo Madaxda shirka isla garteen, waxaana qodobada ka mid ah in la dhiso Golaha aqalka sare iyo aqalka hoose, iyadoo la isku dheeli tirayo qaababka lagu soo xulayo ee 4.5 iyo hab deegaan.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in 10-ka bisha Janaayo shir kale la isugu yimaado, kaasoo ka dhici doona magaalada Kismaayo, waxaana shirkaas lagu sii ambaqaadi doonaa war murtiyeedka.

Shirka ayaa wali socda, waxaana Madaxda ka qeyb galeysa ay khudbad ka jeedinayaan, iyadoo xilligan la joogo maqribnimo

La soco goor dhow war murtiyeedka shirka oo dhameystiran.

DHAGEYSO : waxaa lagu Guuleystay in la kala qaado Maleesiyadkii ku dagalamay Xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ,

$
0
0

Kadib markii maanta lagu guuleystay in la kala qaado Ciidamo maleeshiad ah oo malmahan ku dagalamayay Xaafadda Holwadaag ayaa waxaa Booqday Goobihii lagu dagalamaya Maamulka degmada Baladweyne iyo Saraakiiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurey ayaa sheegay in dagaladii ka dhacay Xaafadda Holwadaag laga dhax lay dhibaatooyin fara badan ,
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan Col isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in lagu Guuleystay in la kala qaado Ciidamada maleeshiyadka ee Malmahan ku dagalamayay Xaafadda Holwadaag islamarkana Goobihii lagu dagalamay la geeyay Ciidamo iskugu jira kuwa Dowlada Soomaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka jabuuti,
Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Gobolka Hiiraan Col Cismaan Dubad Sugule ayaa sheegay in dagalka uusan laheyn waxa faa’ido ah islamarkana labada dhinac looga bahan yahay in ay qaatan Nabad, isago sheegay in dagaladii ka dhacay Xaafadda Holwadaag ay ka dhasheen khasaare iskugu jira dhimasho dhawac iyo mid hantiyadeed,
Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa malmahan ku mashquulsana sidi xal looga gaari laha dagaladan soo laa laabtay ee u dhexeya labo beelood oo wada dega Galbeedka Gobolka Hiiraan,

warbixin vod

Maamulada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka arinsanaya halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta

$
0
0

Iyadoo aan wali go’aan laga gaarin halka rasmiga ee lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo xilliga la qabanayo ayaa waxaa socdo qorshe labada Maamul ay uga arinsanayaan halka lagu qaban doono shirka.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan ee dhinaca arrimaha Bulshada Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sheegay inay labada maamul ka arinsan doonaan meesha lagu qabanayo shirka, waxaana uu xusay in wada hadal u socdo.

“Labada maamul ayaa ka tashan doona, walaalaheena reer Shabeellaha Dhexe waa isu imaaneynaa, ka maamul ahaan ayaana arrintan uga hadleynaa, xiriir fiican leenahay, shirarkii Muqdisho ayaa isku baranay maadaama horay loogu wareeray halka shirka lagu qabanayo, Labada maamul iska arkaya meeshii lagu qaban doona shirka ama Hiiraan iyo Sh/Dhexe”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxda Arrimaha Bulshada labada gobol ay isku afgaran doonaan meesha shirka lagu qabanayo, maadaama aanay wali dowladda Federaalka iclaamin goobta sida rasmiga ah shirka uga dhici doono.

“Madaxda Arrimaha Bulshada labada gobol ayaa isu imaanaya, maadaama aan matalno bulshada labada gobol, anaga rabitaanka bulshada ku hadli karna, anaga ku filan waxaa ka codsaneynaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay tixgeliso Madaxda arrimaha bulshada, anaga go’aan ka soo saareyna meeshii ku haboon ee lagu qaban lahaa”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Hiiraan.

Bishii Agosto ee sanadkan ayay aheyd markii lagu heshiiyay in Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe la isku daro, isla markaana loo sameeyo maamul mid ah, wixii ka dambeeyay heshiiskaas ma jirin wax ka dhaqan galay tallaabooyinka maamulka loogu sameynayay labada gobol.

Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo marar badan uu dib u dhac ku yimid qabashada shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana wali muuqata is qab qabsi badan uu ka jiro habsami u socodka howlaha maamul u sameynta labada gobol, diyaar garowga labada maamul ugu jiraan marti gelinta shirka iyo khilaaf ka dhashay soo xulistii Guddiga Farsamada.

Al-shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Jaziiradda Lamu

$
0
0

Xarakada Al-shabaab ayaa Weerar Culus ku qaaday Jaziiradda Lamu Ee Dalka Kenya,waxaana Weerarkaasi uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugan.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay Meel u dhaw Jaziiradda Lamu,halkaas oo ay joogeen Ciidamo Kenyaan ah.

Afhayeenka Al-shabaab u hadla Markii ay dagaal qaadaan Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Dagaalkaasi ay Ciidamada Kenya Khasaaro Xooggan ku Gaarisiiyeen islamarkaana ay sidoo kale ku Gubeen Gaadiid dagaal oo Kenya ay leedahay.

Sodoo kale Dowladda Kenya ayaa sheegtay inuu jiro Weerarkaasin ay Al-shabaab ku qaadeen Jaziiradda Lamu,balse ay Xaqiijinayaan Khasaaraha ka dhashay.

 

DHAGEYSO : Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Hiiraan oo Qurba joogta ugu baaqay in aysan Colaad hurin

$
0
0

Taliyaha Ciidamada Dalka Jabuuti ee jooga Gobolka Hiiraan Korneyl Cismaan Dubad ayaa waxaa uu baaq u diray beelo ku dagaallamay Gobolka Hiiraan,kuwaas oo hadda ay socoto dhex dhexaadintooda.
Korneyl Dubad ayaa waxaa uu odayaasha Dhaqanka Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada jooga Gobolka ee ka soo jeeda dhinacyada ku dagaallamay aysan ka qey b qaadan colaadda ka jirta Gobolka Hiiraan.
Dubad ayaa sidoo kale qurba joogta ka soo kala jeeda beelaha dagaallamay waxaa uu ugu baaqay in aysan iyana joojiyaan taageerada dhinacyada dagaallamay, waxaana uu intaa raaciyay in Goobaha ay tageen ee ay ku dagaallameen labada Maleeshiyo beeleed ay ku arkeen dhiig fara badan oo uu sheegay in uu ka daatay dhallinyaro Soomaaliyeed oo si aan sharci ahayn la isugu diray.
Ciidamada Jabuuti ee jooga Hiiraan ayaa qudhoodu khasaare nafeed ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay Magaalada Baladweyne kadib markii mid ka mid ah Askartooda uu ku dhintay 3 kalena ay ku dhaawacmeen intii ay ku jireen kala dhex galista dhinacyada dagaallamay 15kii Bishan.
bashiir cabdulahi cismaan
bashka694@gmail.com
beledweyne.soomaaliya

 

Dubad

 

SNA and AMISOM troops intervene in deadly enter-clan fighting.

$
0
0

Somali National Army (SNA), with the support of Djibouti-an and Ethiopian peacekeepers under the banner of AMISOM have successfully intervened in a deadly enter-clan clashes in western Beledweyne city.

One SNA soldier killed during the cessation of the fighting between the clan militias at Howlwadag nighbourhood in west of Beledweyne city, the headhunters of Hiiraan province, according to ex governor.

Confirming the incident, Yusuf Hagar-dabageed who is the former Hiiraan governor told  ishahiiraan.com that the fighting was over after the troops quelled the deadly inter-clan confrontation in Beledweyne of central Somalia.

On Tuesday, Somali government has sent a peace-finding team made up of five ministers and lawmakers to put off the tribal conflict that claimed the lives of more than twenty people, mostly unarmed civilians.

DHAGEYSO : Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan muddada kordhisan doonin.

$
0
0

Iyada oo Shalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirkii wadatshiga qaran ee doorashada 2016ka ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo dhowr ah,waxaana ka mid ahaa in Dowladda Soomaaliya aysan waqtiga kororsan doonin kadib doorashada2016ka.

Ra’iiisul wasaarah Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa warbaahinta ayaa sheegay in shirka xiga 10-ka Janaayo lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubba Hoose.

Qoddobada ugu muhiimsan ee warmurtiyedka ayaa waxaa ka mid ah;

Inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn doonin hay’adaha dowladda Soomaaliya ee hadda jira.
In la dhiso laba aqal oo sharci dejin, oo kala ah aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka.

In habka awood qeysbiga lagu saleeyo deegaan iyo qabiil isku dhaf ah oo labada dhinac la isku eegayo.

In tiro kuraas ah oo cayimin haweenka laga siiyo labada gole ee la dhisi doono ee kala ah aqalka sare ee baarlamaanka iyo kan hoose iyo qodobo kale.

DHAGEYSO : Ra’iiisul wasaarah Xukumadda Federaalka Soomaaliya

 

Z0000054

Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona v Guangzhou Ee Semi-finalka Koobka Club World Cup: Messi Iyo Neymar Oo Ka Maqan Barca

$
0
0

Saacado yar ka hor inta aysan bilaabanin kulanka semi-finalka Club World Cup ee u dhaxeeya Barcelona iyo Guangzhou, kooxda Catalans ayaa ogaatay in Messi uusan ciyaari karin kulankaan isagoo qaba xanuun sabab u ah dhagxaanta kelyaha gala.

Waxaa sidoo kale Barcelona ka maqan Neymar kaasoo dhaawac gumaarka ah qaba islamarkaana aan taam u aheyn kulankaan. Tababare Enrique ayaa daafaac ku soo bilaabay sidii la filayay iyadoo Alves-Pique-Mascherano-Alba ay iska garab ciyaarayaan, halka khadka dhexe ay joogaan Rakitic, Busquets iyo Iniesta.

Weerarka Barcelona maanta ma ahan MSN, iyadoo Suarez uu yahay xiddiga kaliya ee ka joogo weerarkaas seddex aflaha ee ay Barca ku duusho, waxaa Suarez caawinaya Munir El-Hadadi iyo Roberto.

SHAXDA RASMIGA AH:

Barcelona: Bravo, Alves, Pique, Mascherano, Alba, Busquets, Rakitic, Iniesta, Roberto, Suarez, Munir.

Keyd: Gumpau, Stegen, Bartra, Ramirez, Adriano, Vermaelen.

Ghuangzhou: Shuai; Zheng, Young-Gwon, Xioting, Linpeng; Zhi, Paulinho; Robinho, Goulart, Bowen; Elkeson.

Jungoi, Jian, cheng, Alan, Wang

DHAGEYSO :Wasiirka Amniga oo booqday meelihii la dajiyay dhinacyadii Beledweyne ku Diriray.

$
0
0

Wasiirka Aminga Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ay weheliyan Wasiirka Bartroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad Xildhibaano.Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne ayaa Maanta kormeeray deegannada warma jabaaley iyo Burjada cinta Halkaaso la kala dajiyay Ciidamo Maleeshiyada ah oo dhawan ku dagalamay Xaafadda Holwadaag Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan,

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaliya Mahad Salaad ayaa sheegay in lagu guuleystay in Ciidamadii labada dhinac laga saaray Magaalada Baladweyne islamarkana la dajiyay deegano hoos taga Magaalada Baladweyne   isago sheegay in waxgaradka labada dhinac ay isla garteen in xal rasmi ah laga gaaro dagalkan soo laa laabtay ee u dhexeya labada Beelood ee wada dega Galbeedka Gobolka Hiiraan,
Wasiirka Aminga Guudaha Xukumadda Federaalka Soomaliya Cabdirsaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Ciidamada maleeshiyadka labad dhinac ee dhawan ku dagalamay Xaafadda Holwadaag la , isago kula dar darmay Maleeshiyadka in ay ka shaqeyn Nabad,
Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowgga Afrika ee AMISOM ee ka socda dalka jabuuti ayaa la wareegay Goobihii dhawan ay ku dagalameen Laba beelood oo wada dega Gobolka Hiiraan iyado maanta uu dib u soo laabtay dhaqa dhaqaaqa ganacsiga iyo isku Socdka gadiidka iyo dadka Xaafadda Holwadaag oo Muddo Saddex maalin ay ku dagalameen Ciidamo maleeshiyada.
bashiir cabdulahi cismaan
beledweyne.soomaaliya

20151217635859396019032991i (14)

Maamulka Galmudug Oo Ammar Ku Bixiyay In Lala Dagaallamo Kooxaha Shacabka Isbaareysta

$
0
0

Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan deegaanadooda ay mamnuuc ka tahay Isbaaro ama jidgooyo loo dhigto dadka shacabka ah, islamarkaana ay la dagaallami doonaan cid walba oo arrintaasi ku howlan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wasiirada maamulkaasi isku raaceen in la dhaqan geliyo dhowr qodob oo amniga wax looga qabanayo.

Waxa uu tilmaamay Guureeye in amar buuxa lagu siiyay ciidamada amniga inay u istaagaan difaaca shacabka, ayna cagta mariyaan cid walba oo isbaaro u taallo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wax walba oo khasaare soo gaara dadka shacabka Isbaarada u dhiganayan inaan hadhow lasoo daba kici doonin maamulkooda, islamarkaana wax walba oo ay ka qabtaan dadkaasi uu maamulkooda la wareegayo.

Deegaanno ka tirsan Gobalada Mudug iyo Galgaduud waxaa kusoo badanayay maalmihii ugu dambeeyay Isbaarooyin lacago baad ah looga qaato dadka shacabka ah.

Toban Ruux oo Cudurka Dacuunka ugu geeriyooday Xerada dhadhaab.

$
0
0

Ugu yaraan 10-qof ayaa u geeriyooday tiro ka badan 550-qof oo kalena way la il-daran yihiin; kaddib markii xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya uu ka dillaacay cudurka halista ah ee Daacuunka.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in dadka uu cudurku soo ritay ay 30% yihiin carruur da’doodu ka yar tahay 12-sano. Iyadoo intaas ku dartay in faafidda cudurka ay sii xoojinayaan roobab xooggan oo ka da’aya deegaanka Dhadhaab iyo nadaafad xumo.

“Cudurkan waxaa soo kiciyay roobab xooggan oo da’ay iyo nafaadda oo ahayd mid markii horeba aan wanaagsanayn,” ayuu yiri madaxa hay’adda MSF ee Kenya, Charles Gaudry.

Sidoo kale, Charles Gaudry ayaa intaa ku daray in xeryaha qoxootiga Dhadhaab ay ka jirto nadaafad-xumo, xaaladda nololeed oo aad u liidata iyo iyadoo maal-gelin aan lagu sameyn adeegyada faya-dhowrka caafimaadka.

“Tirada bukaanada uu soo ridanayo cudurka Daacuunka way laba jibaarmeen toddobaadkii lasoo dhaafay oo keliya. Carruurta ayaana ah kuwa ugu daran oo uu cudurku saameynta ku yeeshay. Iyadoo sidoo kale ay carruurta qaarkood la il-daran yihiin nafaqo-darro,” ayuu hadalkiisa ku daray Gaudry.

Cudurka Daacuunka ayaa saameeyay 16-ka deegaan ee ay ka kooban tahay Kenya tan iyo bishii December sannadkii 2014-kii. Iyadoo cudurkan markii ugu horreysay lagu arkay xeryaha Dhadhaab-Kenya bishii 23-kii November, 2015-ka.

Dhanka kale, hay’adda qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa iyadana xustay in cudurkan la rumeysan yahay inuu billowday markii ay xeryaha Dhadhaab soo gaareen qoxooti cusub oo dalka Somalia ka yimid, kuwaasoo loo maleynayo inay soo mareen deegaanno ay ka da’een roobab xaaladooda caafimaadna aysan wanaagsanayn.

Ugu dambeyn, UNCHR iyo kuwa kale ee samafalka ayaa billaabay inay u adeegaan dadka uu cudurka Daacuunka soo ritay. Inkastoo ay weli xaaladda Amaan ee Xeryaha Dhadhaab-Kenya aysan weli ahayn mid la isku halleyn karo.

Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo Muqdisho ka furay Shir weynaha Qaran Ee Dhalinyarada

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Muqdisho ka Furay Shirweynaha Qaran Ee Dhalinyarada Soomaaliya.
Shirka ayaa ka Furmay Garoonka Ciidamada Cirka Soomaaliya ee ku yaalla Afisiyooni,waxaana ka qeyb galay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala timid Dalka dib Dibadda intaba.
Sidoo kale waxaa soo baxaya Khilaaf ku aadan Qaabka loo soo xulay Dhalinyarada ka qeyb galeysa Shirka maanta uu Furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,iyadoo Dhalinyarada ku nool Gudaha Soomaaliya oo Dalka aan dibadda uga bixin ay ku doodayaan in laga Eexday oo tiro fiican oo ka qwyb gasha Shirka aan la siin,waxaana ay tilmaamen in Wasaaradda Dhalinyarada ay Muhiimad gaar ah siisay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qurbo joogta ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Furitaanka Shir weynaha qaran ee uu ka dhacaya Muqdisho ayaa sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Kaalin Muhiim ah ka qaataan Sidii Soomaaliya meel fiican loo gaarsin lahaa,maadaama ay yihiin Jiilkii badali lahaa

Viewing all 2155 articles
Browse latest View live