Quantcast
Channel: Warar Xaqiiqo ah Kala Ishahiiraan
Viewing all 2155 articles
Browse latest View live

Deg Deg:Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Sh/Hoose

$
0
0

War goordhow soo gaaray Warqabadka ishahiiraan.com ee magaalada beledweyne ayaa wuxuu sheegayaa in Gawaari ay la socdeen ciidanka Amisom qarax ismiidaamin ah lagula eegtay wada marta deegaanka Golweyn ee gobolka Shabelaha Hoose.
Ciidanka la weeraray ayaa ka tagay maaglada muqdisho iyagoo kusii jeeday degmada Baraawe ee gobolka Shabelaha Hoose waxan la sheegayaa in halkaas qarxa kadib uu ka dhacay dagaal kooban oo dhex maray kooxdii weerartay iyo ciidanka Amisom


DHAGEYSO :Wafdiga Dowlada Federaalka Soomaaliya ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan u jooga xalinta dagaal beeleedyada ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhameynta xiisada ka dhex aloosan labo beel

$
0
0

Wafdiga Dowlada Federaalka Soomaaliya ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan u jooga xalinta dagaal beeleedyada ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhameynta xiisada ka dhex aloosan labo beel oo dhawaan magaaladaasi ku dagaalamay.

Dagaalka Labada beel ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaaray,waxaana sidoo kale intuuu dagaalka socday hakad galay isku socodka gaadiidka iyo daweyne iyo hagaag u socoshada ganacsiga xaafada uu dagaalka ka socday.

Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Max’ed Salaad oo ka mid ah Wafdiga Dowlada ee ku sugan Baladweyne ayaa warbaahinta u sheegay in hada meel wanaagsan u wax u marayaan ayna ku rajo weyn yihiin in maanta ay soo afjaraan fulinta Qodobadii lagu heshiiyay,islmarkaana la is-tusi Waxgarad ka soo kala jeeda Beelihii Blaadweyne ku dagaalamay.

Wuxuu sheegay Mahad Max’ed Salaad in maanta go’aan kama danbeys ah laga gaarayo dagaalka si loo helo xal waara oo dhinacyada si nabad gal ugu wada noolaadaan deegaanadooda,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray iney xil gooni iska saareen sidii loo dhameyn lahaa Xiisada Baladweyne.

Wafdiga Dowlada oo kaashanaya Waxgaradka Beelihii dagaalamaya ayaa ku guuleystay in la kala qaado maleeshiyaadkii isku hor fadhiyay aagagii lagu dagaalamay,waxaana halkaasi la dhigay Ciidamo isugu jiro Boolis iyo Malitari si amaanka ay u sugaan.

Xaalada Goobihii horay dagaalada ugu dhaceen ayaa ah mid degan,waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo hadba dhinac u gaaf-wareega xaafada lagu dagaalamay.

DHAGEYSO - Wararkii Ugu danbeeyay ee Baladweyne iyo Waan waanta oo Wali Socota. -

Is fahan la.aanta waxaa sabab u ah dhibaatooyin badan oo ka dhasha wariyaasha iyo mas’uuliyiinta oo aan fahasaney waxa war ah iyo waxa kale.

$
0
0

Dhibaatooyinka ugu badan waxaa ay dhashaan xiliyada ay isku dhacaan mas’uuliyiinta dhaxdooda kuwaas oo ay wariyaasha ay lakala saftaan waana dhibaato sii kordheysa sanadihii danbe magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Si aan wax badan ugu ogaano ayaan u kuur galay dhibaatooyinka ka dhax dhasha wariyaasha iyo mas’uulinnta waxaana jira dhibaatooyin loo geysta wariyaasha kuwaas oo kuguda jiro shaqadooda . Marka uu wafdi soo dagaayo magaalada beledweyne waxaa ku arkeysaa dad isku sheegaayo dhalinyaro kuwaa oo wariyaasha u diida in ay la kulmaan wafdiga si ay u oo tabiyaan wararka rasmiga ah qaar ka mid ah dhalinyarada oo aan la kulmay waxa ay ii sheegeen in ayaga loo xilsaaro howsha laakiin waa dhibaato taas waxaa ay sameeyaan wax ka baxsan anshaxa saxaafada’
wariye ka howl gala magaalada beledweyne oo lahadlay mid ka mid ah wakaaladaha caalamka ayaa sheegay in dhibaatooyinka haysta wariyaasha gobolka hiiraan ay qeyb ka tahay dhaliyada loo xelsaaro soo dhaweynta oo aan aqoon u lahayn saxaafada waxaana uu yiri” marka uu wafdi uu soo gaaro magaalada beledweyne waxaa dhacdo in wariyaashaa loo diido qaarkood garoonka diyaaradaha xitaa xerada lama galaay ama in ay diyaariyaan warbixino ku saabsan wafdigaa soo gaaray maagaalada beledweyne’
Dhawaan Wariyaasha Gobolka Hiiraan ayaa loo diiday inaay galaan garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweyne xiligii halkaa aay ka dagayeen mas’uuliyin kasocday Midawga Yurub , Inkasytoo aaysan jirin cadaawad u dhexeeysa mas’uuliyiinta iyo Wariyaasha, hadana waxaasa ii muuqday in arimahaan ay yihiin kuwa soo laablaabtay .inkasta oo ay jirto dhibaatadaas ayaa hadane wariyaasha gobolka hiiraan waxaa ay ku shaqeeyaan xaalada adag . Wariyaasha gobolka hiiraan ma lahan u rur ay ku mideysanyiin oo ka jira magaalada beledweyn;
Dhibaateynta wariyaasha waxaa ay sii kordhaan xiliyada ay jiraan qilaafaadyada u dhaxeeya mas’uuliyiinta dhaxdooda waana mida ugu badan gobolka hiiraan gaar ahaan magaalada beledweyne,

Muuqaal : Barakacayaasha ku dhaqan degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo dalbaday in gargaar laga soo gaaro .

$
0
0

Magaalada Beledweyne ee xarunta ah goballka Hiiraan waxaa ay ka mid ah deegaannada saldhiga u ah barakacayaasha soo gaara goballada bartamaha Soomaaliya, waxaana marka aad dibada uga baxdo magaalada idhahaagu qabanayaan xeryo ka sameysan cooshado oo ay ku hoos nool yihiin qoysas wajiyadooda laga dheehan karo daruufaha dhinaca nolasha ah ee la soo darsatay.
Roobka deyrta uu siweyn uga curtay deegano kamid ah gobolka hiiraan ayaa waxa ka hadlay mid uu sheegay in xiligaan ay qabaan cabsi balaaran oo ah in uu fataho wabiga shabelle oo dhaxmaro magaalada beledweyne.
“Anaga roobka waan rabnaa mana diideyno waa nimco ilaahey oo lagama maar man ah hadana waxaan kacabsi qabnaa in uu fataho wabiga islamarkaana uu dhibaato noo geesto waxan ugu baaqaya dowlada somaliya in ay gurmad sameyso iyadoo kaashaneysa maamulka gobolka ayuu yiri
Sidoo kale marka laga soo tago cabashada dhinaca nolasha ah oo ay kuu sheegayaan qoysaska ku jirra xeryaha barakacayaasha Beledweyne, sidoo kale waxaa xusid mudan in ay jiraan cuduro ka dhashay nafaqada darro la soo daristay caruurta qoysaska barakacayaasha ah, kuwaasoo aad arkeyso iyaga oo iska hoos jiifa quryo ka sameysan Baakado iyo Baco leysku gabay islamarkaana aan heysan wax daryeel caafimaad ah.
dadka dhibaatadu ku heysato xeryaha barakacayaasha Beledweyne ayaa waxaa ka mid ah dadka uusan Lixaadkoodu dhameyn, sida Idhoolayaaha iyo Cuuryaamiinta oo ku badan marka aad eegto qoysaska barakacayaasha ah, waxaana xusid mudan in dadkaasi cuuryaamiinta ah ay ka cabanayaan daryeel la’aan soo food saartay.
Qoysaska barakacayaasha ayaa ka codsanaya maamulka goballka ee hadda jirra, hay’addaha Samafalka, iyo Jaaliyaddaha dibada in la soo gar gaaro, maadaama sida ay sheegeen qoysaska ay la kulmen dhibaatooyin bilihii ugu danbeeyay aysan helin wax gar gaar ah, gaar ahaan waxaa ay carabka ku dhufteen in laga caawiyo dhinaca cunada iyo dawada oo ay siweyn ugu baahan yihiin.
sanad walba ayaa waxa qeybo kamid ah gobolka hiiraan da’a roobka deyrta waxaaan kadhasha in uu fataho wabiga shabelle ee mara gobolka hiiraan waxaana ku barakaca dadka qaar .
bashiir cabdulahi cismaan
bashka694@gmail.com
Beledweyne.Soomaaliya

ishahiiraan beledweyne

Gudoomiyaha Baarlamaanka Buntland oo kasoo baxay G,aan adag

$
0
0

Gudoomiyaha barlamaanka maamul goboleedka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay barlamaanka Puntland, xakuumada iyo shacabkooda inay ka go’an tahay inaan dib loogusoo laaban nidaamka cuuryaamiyay horumarka Soomaaliya ee 4.5.
Gudoomiye Axmed wuxuu sheegay dadka doonaya in lagu noqdo 4.5 ay yihiin kuwo aan doonanayn in Soomaaliya lugaheeda ku istaagto islamarkaana hor istaagan in shacabka Soomaaliyeed helaan cadaalad ay ku dooran karaan cida ay rabitaankoodu ku jirto.
“Haddii mar lagu heshiiyay inaan dib loogu laaban 4.5 oo dastuurka lagu qoray, hadda wixii loogu war wareego waxaan u arkaa inay tahay aan dib ugu laabano 1991,” ayuu yiri Xaashi,
“Anagu mowqifkeena wuu cad yahay kumana doodayno waxaan sharci ahayn, waxaan ku doodaynaa waa horumarka Soomaaliya iyo qabiilka laga gudbo. Cidii uu culays kaga jiro 4.5 in laga gudbo shacabkooda ha u iftiimiyaan dhibaatadiisa.” Ayuu yiri Xaashi.

URUR Cusub oo Dhawaan Loogu Dhawaqay Gudaha Magalada Baydhabo ee Gobalka bay

$
0
0

URUR cusub oo dhawaan looga dhawaqay gudaha dalka somalia gara ahan magalada baydhabo ee xaruunta mamulka gobaleedka KGS URUR kaas oo lagu magacaabo RASMI COMMUNITY devlopment ayaa bilaabay shaqooyin bulshada wax tar u leh taas oo dhaman bulshada KGS aad ula dhaceen wakilka u qalbilsan qaarida yurub URURKA RASMI COMMUNITY devlopment iyo gudomiyaha gudiga dhexe ee jaliyada denmark ahni afayeenka jaliyadaas mukhtar cali cabdiraxamaan mukhtar booroow oo warbahinta kofurgalbeed warbixin kooban siyey aya so bandhigay wax qabadka URURKA RASMI COMMUNITY devlopment uu bilaabay mudada gaaban uu jiray URUR kaas mukhtar booroow ayaa waxuu soo bandhigay isbitaal laga bilaabay
degaano katirsan gobalka bay iyo qof xal loga waayey gudaha somaliya oo xanuun dhanka wadbaha ah uu haayey ayuu URURKA u qaday dalka dibadiisa si loo daweeyo mukhtar borow oo an ka waraysinay ujeedka loo as asay urukan ayaa noo sheegay in URURKAN loo aas aasay in lagu caawiyo dadka xanuunsan ee dan yarta ah kuwa nafada ah kuwa ka so barakacay gobihii ay ku nolayeen iyo ladagalanka jahliga iyo fagriga ka jiro deganada KGS sida dhisada dugsiyada quraanka dhismayaashi isbitaalada qodista celisha iyo waxii la hal maalo URURKAN oo dhawan loga dhawaqay gudaha magalada baydhabo aya mujiyey wax qabad bulshado aad u amaantay cali cabdiraxamaan mukhtar booroow ayaa uga bagay dhamaan bulshada KGS in ay garab istagaan dadkoda dhibataysin gara ahaan dhalan yarada KGS

DHAGAYSO : Dawlada Federalka Soomaaliya oo Heshiisyo Hordhac Ka Gaartay Dagaalkii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiraaan.

$
0
0

Heshiis ka kooban lix Qodob ayaa la kala dhex dhigay Dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib markii Odayaasha Labada Dhinac shalay la isugu keenay Kulan ka dhacay magaalada.

Heshiiskaan waxaa Garwadeen ka aheyd Dowladda Federalka Somaliya, waxaana Odayaasha labada dhinac ay ku qanceen heshiiska oo ay Saxiixeen.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay muhiimada inay tahay nabad inay ku noolaadaan Bulshada Gobolka Hiiraan degta oo aanan dushooda lagu dagaalamin.

Odayaasha Labada Dhinac ee Heshiiska saxiixay, ayaa balan qaaday dhaqangelinta Heshiiskaan si uusan u soo noqon dagaal dambe oo dhiig ku daata.

Dadka Magaalada Baledweyne ayaa ku farxay heshiiskaan oo soo dhaweeyay.
Heshiiskaan ayaa waxaa Beesha Jajeele u saxiixay, Xaaji Maxamed Goosaar Guure, halka Beesha Gaaljecel uu u saxiixay, Nabadoon Cumar C/llaahi Cali.
Qodobbada lagu Heshiiyay ayaa waxay kala ahaayeen;

1. Dhaqan-gelinta iyo adkeynta xabad-joojintii ay kala saxiixdeen labada beelood 15-Dec-2015. Iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara colaad dambe – Af iyo Adinba.

2. In dhammaan goobihii dagaalladu ka dhaceen ay ahaadaan kuwa ka caagan wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah. Mas’uuliyadda Ammaanka looga dambeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

3. Inay ballan-qaadayaan cuqaasha iyo mas’uuliyiinta labada beeloodba inay ilaalinayaan amniga iyo xasiloonida magaalada, wixii labada beelood dhexdooda ahna loo saarayo gudi soo baara kaddibna xal ka gaara. Guddigaasna waxaa xubno ka noqon doona: Odoyaasha dhaqanka labada beelood iyo odoyaasha dhaqanka reer Hiiraan.

4. Wixii tabasho siyaasadeed ah ee ay qabaan Beelaha reer Hiiraan waa in loo maraa wada sharci ah. Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax ka qabashada wixii tabasho maamul ah ee ay qabaan beelaha reer Hiiraan.

5. Cid kasta oo loo arko inay caqabad ku tahay dhaqan-gelinta heshiiskaan tillaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa. Waxaa mas’uuliyada dhaqangelinta heshiiskaan mas’uul ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo is-kaashanaya.

6. Heshiiskaan wuxuu dhaqan-galayaa marka la saxiixo.

GOOB-JOOGE; Taliyaha ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiraan Col Osman Dubad Sugulle.
DAMAANAD-QAADE: Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed.

DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama.

$
0
0

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Jidka mashquulka badan ee maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas.

Si rasmi ah looma oga halka wax ka dhaceen iyo cida la bartilmaameedsanayay, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan qaraxa oo ahaa mid aad looga maqlay magaalada inteeda kale

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu u muuqdo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana uu ka dhacay nawaaxiga Shineemo Soomaali.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa ku yaalla hotelo iyo goobo ganacsi ah, waana wado aad loo isticmaalo.

La soco wixii warar ee ku soo kordha


Sanad Gurada 72 Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Ka Socoto Magalada B/weyne ee xarunta gobolka hiiraan’

$
0
0

Munaasabad lagu maamuusayo 72-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka socota Magaalada B/weyne Ee Xarunta Gobalka Hiiraan, iyadoo fantasiyo iyo dhoolatus ay ciidamada ka sameynayaan fagaaraha Saldhiga Booliska Ee Magalada B/weyne.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Hiiraan, Isaaq Cabdulle ayaa u hambalyeyay ciidamada booliska, Soomaaliya isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan, nabad, bash-bash iyo barwaaqo.

Munaasabada ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Madaxda Mamulka Gobalka hiiraan iyo ilaa Heer Dagmo iyo wafdiga ka socdo Dowlada Dhaxe oo malmahan ku sugnaa Magalada B/weyn Ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa la aas aasay 1943, waxaana muddooyinkan ku socday dib u dhis iyo qaabeyn, waxaana markii u horeysay ay ciidamada yeesheen qeyb ka mid ah ciidamada miino baarista iyo ciidamo si gaar ah u tababaran.

DEG DEG: Q/Midoobeey oo War Naxdin ku Ah Shacabka soo saartay

$
0
0

Waxaa ka jira dhibaatooyin siyaasadeed oo halis ah tan iyo dhamaadka Bishii April ee aan soo dhaafnay, kadib markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu xilka dalkaas u taagan yahay muddo sadexaad.

Boqolaal qof ayaa dhimatay , waxaa guryahoodii ka qaxay 200 Kun oo ruux inta ay billaabatay dhibaatada xoogga leh ee ka taagan dalka Burundi , dhibaatadan ayaa walaac badan ku haysa Bulshada Caalamka , iyadoo muddo aan sidaa usii fogayn  laga joogo dagaalkii sokeeye ee dalkaas.

Diblomaasi sare oo ka tirsan Midwoga Afrika ayaa sheegay jimicihii in Golaha Ammaanka ee Midowga Africa uu go’aan ku gaaray in ciidamo nabad ilaalin ah loo duiro dalka Burundi, si  loo ilaaliyo dadka rayidka ah, tallaabadan ayaa loo bandhigay xukuumadda Burundi laakiin waxaa lagala kulmay waji gabax kadib markii ay go’aankaa kaga hor yimadeen diidmo qayaxan.

Go’aankan Midawoga Afrika ayaa la hor dhigayaa madaxweynayaasha Africa oo hadii la helo codad Saddex meelood oo labo meel ay suura gal noqoneyso in ciidamo loo diro Burundi iyadoo idan qaadasho laga sugin dowlada dalkaas, waana sida uu sheegay u qeybsanaha Midowga Africa ee Labada wadan Burundi iyo Kongo ninka la yiraahdo Bonaventor Cakpo .

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Baab Buyoya ayaa sheegay in Dalka Burundi uu khatar ugu jiro xasuuq, isagoo ku eedeeyay hogaanka dalkaasi inuu u hor seedayo dhibaato hor leh oo mushkiladda Sii hurisa.

Dowladda Federaalka Somalia oo Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay Maamulka Gobolka Hiraan.

$
0
0

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u magacaawday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo horay labo jeer guddoomiye uga soo noqday gobolka hiiraan .

Mid ka mid ah saraakiisha xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa HOL u sheegay in shir goor-dhaw ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ay wafdigii ka socday dowladda Somalia ku shaaciyeen in maanta laga billaabo uu Gobolka Hiiraan guddoomiye k yahay Yuusuf Daba-geed.

Yuusuf Dabo-geed oo markii saddexaad guddoomiye ka noqonaya gobolka hiiraan ayaa badalaya guddoomiyihii hore ee gobolka, C/fataax Xasan Afrax oo Muqdisho u jooga baaritaanka kiiska la xiriira sarkaal ka tirsanaa hay’adda QM ee UNMASS oo bishii hore lagu dilay Beledweyne.

DHAGAYSO : Xuska 72 Sano Guuradii Aas Aaska Ciidanka Booliska oo lagu qabtay Baladweyne.

$
0
0

Wasiirka Aminga Gudaha Xukumadda Soomaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Saalad. Marwada Guudoomiyaha Gobolka HiiraanMaryan  Maxamed Cumar, Xildhibaano .Maamulka Gobolka Hiiraan. kan degmada Baladweyne iyo Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabada lagu Xusayay 72 Sano Guuradii ka soo wareegtay Markii la Aas Aasay Ciidanka Boliska Soomaliyeed ayaa Maanta lagu qabtay Saldhiga Booliska degmada Baladweyne,

Ciidamada Booliska Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Goobta Munaasabada lagu qabtay ku Soo Bandhigay dhoola Tus si weyn u soo jiitay dadkii ka qeyb galay Munaasabada loogu dabal degayay Xuska 72 Sano Guuradii ka soo wareegtay markii la Aas Aasay Ciidanka Booliska iyado Munaasabado Noocan oo kale ah Maanta lagu qabtay Caasimada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobollada dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan Col isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in Waajibadka Ciidanka Booliska Soomaliyeed uu yahay ilaalinta shacabka isago sheegay in Ciidamada Booliska ee Gobolka Hiiraan qarkood aysan mushaar qaadan muddo Saddex Sano ah islamarkana Wasiirka Aminga ka Codsaday in wax laga qabto Mushaar la’aanta ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan,

Wasiirka Aminga Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay wada qorshe lagu Horumarinayo Ciidanka Booliska islamarkana ay wax ka qaban doonaan Mushaar La’aanta ay ku shaqeeyaan Ciidamada Booliska Maamulka Gobolka Hiiraan isago kula dardarmay Ciidamada Amaanka Magaalada Baladweyne in ay ka shaqeeyaan Nabad.

Ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa la Aas Aasay 20-kii December Sannadkii 1943 iyado xiligaas wixi ka dambeyay Ciidanka Booliska ay soo mareen mar Xalado kala duwan iyado maanta Guud ahaan Gobollada dalka iyo Caasimada Soomaliya ee Muqdisho lagu qabtay Munaasabado lagu Xusayo 72 Sano Guuradii ka soo wareegtay Markii la Aas Aaasay Ciidanka Booliska Soomaliyeed.

Xuska 72 Sano Guuradii Aas Aaska Ciidanka Booliska oo lagu qabtay Baladweyne.

Dowlada Federaalka oo si Rasmi ah u shaacisay halka lagu qabanayo Shirka Maamulka Hiiraan iyo Sh.dhexe iyo Caasimada labada Gobol.

$
0
0

Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa si Rasmi ah  u shaacisay in Gogasha shirka Maamul u sameeynt Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe lagu qaban doono Magaalada Jowhar halka Caasimada Dowlada Goboleedka laga dhigi doono Magalaada Bula burde ee Gobolka Hiira

Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in Gogasha shirka Maamulka u sameeynta  Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe lagu qaban doon   Magalaada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Hoose islamarkana Caasimada  Dowlada Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ay tahay Magaalada Bula burde ee Gobolka Hiiraan.

Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa u muuqada kuwa ka biya diidsan hadalka Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud ee ah in Gogasha shirka lagu qabto Magalaada Jowhar iyado Magalaada Baladweyne muddo ka badan Sideed Bilod ay talo Gogasha shirka Maamulka labada Gobol,

Dhismaha Maamul Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa waxaa ku hor gudban Caqabado Fara badan iyado dhismaha Maamulka labada Gobol lagu waday in la soo afjaro bishan December. Lama oga sida xaalku noqon doono Malmaha soo socda odayasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan oo qarkood la hadlay Hiiraan Xog ayaa ka biyo diidsan halka Madaxweynaha ee Soomaliya eek u Saabsan in Gogasha shirka lagu qabto Magalaada Jowhar islamarkana Caasimada labada Gobol laga dhigay degmada Bula burde ee Gobolka Hiiraan

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa Booqasho ku yimid Baladweyne.

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkasi oo ay ka socoto qaban qaabada munaasabadda uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha cusub.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa markii ay gaareen magaalada Beledweyne waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka, qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida.

DHAGAYSO : Yuusuf Axmed Hagar Dabageed Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ka Waramay sida uu u arko Xilka loo dhiibay shalay.

$
0
0

Daba-geed ayaa uga Mahad naqay Madaxweynaha Dalka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Sida ay u doorbideen in Mar Sadexaad ay ka Dhigaan Gudoomiyaha Maamulka Dowlada ee Gobalka Hiiraan.
Magacaabistiisa ayuu Sheegay iney ku timid dalab ka yimid bulshada ku dhaqan deegaanada Hiiraan sida uu yiri Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka loo magacaabay.
Daba-geed ayaa Mudooyinkan qeyb ka ahaa siyaasiyiinta ku howlan xal u helista dagaaladii ka dhacay Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne

, waraki


Waraar dheraad ah ayaa kaso baxaayo xaruunta mamuulka gobolka hiiraan halkaas oo aay kulaamo kala duuwan wafdiga madaxweynaha u kula leyahay mamuulka gobolka hiiraan kan degmada beledweyne;

$
0
0

Waraar dheraad ah ayaa kaso baxaayo xaruunta mamuulka gobolka hiiraan halkaas oo aay kulaamo kala duuwan wafdiga madaxweynaha u kula leyahay mamuulka gobolka hiiraan kan degmada beledweyne; odooyaasha dhaqanka gobolka hiiraan iyo qeybaha kala duuwaan ee bulshada ku dhaqan magalada beledweyne.

Waxaa hadda bilabatay in qudbaddo kala duuwaan laga jediyo madasha waxana wafudda madaxweynaha aay ka mahad celiyeen sidda loogu soo dhaweyay magalada beledweyne.

Xubno ka mid ah odooyaasha dhaqanka oo madasha ka hadlay waxaa aay madaxweynaha u soo jediyeen edeeymo kala duuwaan.

DHAGAYSO : Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ka kooban Wasiiro Xildhibaano Guudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed ayaa soo gaaray magaalada beledweyne.

$
0
0

Wafdiga Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Ariimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa, Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaliya Maxamed cabdulaahi Xassan Nuux, Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Mahad Salaad. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimadka, Wasiir ku Xigeenka Maaliyada.  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Soomaliya. Iyo Wasiirkii hore ee Cadaalada Faraax sheikh Cabduqaadir Islamarkaan Saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh maxamuud iyo Wafdiga uu Hogaaminayay ayaa Xaruunta Maamulka Gobolka Hiiraan kulan kula qaatay odayasha dhaqanka waxgaradka Gobolka Hiiraan ururka dhalinyarada Gobolka Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Baladweyne islamarkana ka wada hadlay Ariimaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe

Nabadoon Cabdi yarow sheikh oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Gogasha shirka Maamul u sameynta Gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ay ka fidsan tahay Magalaada Baladweyne islamarkana dowlada looga bahan yahay in ay qabasho.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaliya Xassan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Ujeedka Safarkooda uu yahay sidii Bulshada ay   uga la Tashan lahayeen dhismaha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe oo dhawan la filayo in la guda galo isago sheegay in aysan jiran wax bulshada lagu qasbayo islamarkana iyaga ay ka tashan karaan Aayahood.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaan soo hadal qaadin halka lagu qabanyo shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha kadib markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha lagu sheegay in Gogasha shirka Maamulka labada Gobol ay taalo Magalaada Jowhar islamarkana Caasimada dowlada Goboleedka ay tahay Magalaada Bula burde iyado si weyn ugu biyo diideen Waxgaradka Gobolka Hiiraan in Gogasha shirka lagu qabto Magalaada Jowhar iyago sheegay in Gogasha ay Taalo Magalada Baladweyne Wafdiga Madaxweynaha ayaa la filaya in malmaha soo socda ay joogan Magalaada Baladweyne islamarkana kulamo wadatashi ay la qaatay waxgaradka iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.

bashiir cabdulahi cismaan
bashka694@gmail.com
beledweyne. soomaaliya

Z0000064

Baarlamaanka oo maanta yeelanaya kulan gaar ah oo dibad joog ka yihiin Saxaafadda

$
0
0

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn oo ay dibad joog ka yihiin Saxaafadda, iyadoo kulankan uu ku saabsan yahay arrimaha Hiigsiga sanadka 2016 oo la qorsheynayo in Soomaaliya ka dhacaan nooc doorasho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo shalay ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta oo Talaado ah ay yeelanayaan kulan gaar ah, isagoo faray Xildhibaanada inay soo xaadiraan ka hor 10-ka subaxnimo.

Jawaari ayaa sheegay in kulankan aysan ka qeyb geli doonin Saxaafadda, iyadoo inta badan Saxaafada ay ka qeyb geli jireen kulamada Baarlamaanka.

Kulankan ayaa la filayaa in warbixin looga dhageysto Guddi Xildhibaano ah oo dhowaan ka qeyb galay shirarkii ku saabsanaa Hiigsiga oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Shabelaha Hoose

$
0
0

Wararka aan ka heleyno qeybo kamid ah gobolka Shabelaha Hoose gaar ahaan deegaano hoostaga degmada Kuntuwaareey ee gobolkaas in Diyaarado dagaal ay duqeymo ka geesteen halkaas.
Deegaanka la duqeeyay oo lagu magacaabo Shanta ameeriko ayaa waxay fariisin u aheyd dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab waxaana wararku sheegayan in uu ka dhashay qasaaro ilaa hada aan la cadeyn.
Goobta duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa buux dhaafiyay rag ka tirsan Al-Shabaab oo dadka u diiday in ay goobta tagaan sida ay noo sheegeen dad goobta ka agdhawaa.

Maamo juuliya hiiraan

Viewing all 2155 articles
Browse latest View live