Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen in aan lagala tashan Wareegtada Madaxweyne Xasan ku magacaabay Caasimadda maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe iyo magaalada Marti gelineysa Shirka maamul u sameynta labada Gobo lee Hiiraan iyo Shabeella dhexe.
qaar ka mid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay warbaahinta in Gobolka Shabeellaha dhexe uu ka mid ahaa Gobolka Banaadir lana kala jaray,Gobolka Hiiraanna uu yahay Gobolka kaliya ee 8ddii Gobo lee lagu aasaasay dalka kaligiis ka jira.
Dadka Gobolka Hiiraan ay ka xunyihiin in Magaalada Buulo Barte laga dhigo Caasimad kumeel gaar ah,waxaan ay shaki geliyeen marka lagaboxo kumeel gaarka halka looguurayo.
Madaxweynaha ay maanta la kulmayaan dadka Hiiraanna aysan u cuntamin in Gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay si siman wax u wadaagaan,waxaana uu intaa ku daren in ay muhiim tahay in 3 meelood labo meel la siiyo Hiiraan,halka meelna la siinayo Shabeellaha dhexe.
Odayaasha Hiiraan oo ka hor yimid habka loo marayo maamul usameynta Hiiraan & Sh.Dhexe
DHAGAYSO : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan kulamo kula leh Maamulka Gobolka iyo Odayaasha Dhaqanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan kulamo kula leh Maamulka Gobolka iyo Odayaasha Dhaqanka.
waxaana ay kala hadleen xoojinta nabadda iyo dar-Dar galinta Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa u sheegay in ay adag tahay in si fudud loo sameeyo maamul ay dadku u Dhanyihiin hadaanan la helin shacabka Gobolka hiiraan kaalintooda.
Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha ayaa dhowaan waxaa lagu shaaciyay in magaalada Jowhar ay marti gelineyso madasha shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, halka caasimada maamulkaas ay noqoneyso magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan
Gobolka hiiraan joqoraafi ahaan waxa u dhacaa bartamaha dalka somaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan kulamo kula .AKHRISO: Go’aanka Beesha Xawaadle ee ku saabsan Wareegtadii ka soo baxday Madaxweyne Xassan sheekh
Odayasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan gaar ahaan Beesha Xawaadle ayaa go’aan ka soo saaray wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya ee aheyd in gogasha shirka maamulka labada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe lagu qabto Magaalada Jowhar iyago ariintaas cambareeyay,
Halkan ka Akhriso,
JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA
22/12/2015
Ujeedo : Kajawaabit wareegto ka soo baxday Madaxweyne Xasan Sheekh
Anagoo oo ah odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka, siyaasiinta, ganacsatada, culumaa udiinka, dhalanyarada iyo haweenka reer Hiiraan waxaan canbaareyneyaa wareegtadii kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha jamhuuriyada Federaalka Somalia kaas oo lagu sheegay in shirka maamul u samaynta labada gobol Hiran iyo Shabeelaha dhexe lagu qabanayo Magaalada Jowhar.
Arinkaasi oo kasoo horjeeda Sharciga dhisida maamul goboleedyada loogana qaadayo Xuriyadana umada isla markaana sicad lagu afduubayo Rabitaanka reer Hiiraan, wax wada tashi ahna aan lagala samayn odoyaasha iyo waxgaradka matala shacabka kusugan Hiiraan ,waxaana wada arintaasi madaxweynaha iyo koox dano gaara wadato oo aan metelin umada reer Hiiraan .
Dhaleecayn
Hadaba markaan aragnay go,aanka kali telisnimo ee uu qaatay Madaxweyne Xasan sheekh iyo kooxdiisa uu talada ka qaato waxaanu gaarnay
Talada Hiiraan waxay ka go’daa gudaha gobolka Hiiraan mana jirto cidkale oo xaq u leh go,aan gaarista mustaqbalka aayaha gobolka Hiiraan
Hadalka madax weyna oo ah mid kahor imaanaya sharciga iyo caqliga saliimka ah majirto wax saamayn ah ee uu ku yeelan doono Gobolka hiiraan
Gogoshii horay u tiilay gobolka Hiiraan in ay furantahay loogana tashanaayo masiirka iyo aayaha gobolka Hiran
waxaan joojinay xiriir kaste ee nagala dhexeeyay dawladda federaalka ee uu hogaamiyo xasn sheekh
Degmada Buulo burte ee uu kutilmaamay madax weynuhu in ay noqon doonto caasimad Goboleedka waa meel Afar sano godoon aheyd qiil uga dhigandoono lama tegi karo si gogosha iyo caasimadaba Jowhar u noqoto sida horey u dhacday maamul goboleedyadii la soo dhisay
Baaq kusocda Umada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka
Waxaan ugu baaqaynaa umada soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan reer Hiiraan in ay midoobaan kana tash taan aayahooda
Waxaan beesha caalamka ugubaaqeynaa in ay hor istaagaan xad gudubka iyo afduubka laguhayo umada reer Hiiraan
Waxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa in aay taageerto shirka wadatashiga iyo dib u heshiisiinta ee ka socda magalada Beletweyne oo u gudbaya wajigiisa labaad ee siyaasada.
Saxiixa Odoyaasha iyo Wax Garadka Bel Weynta Xawaadle
Nabadoon Shuuriye Xusen xaayow
Nabadoon Faarax Raage Kooshin
Samadoon :Dacar Xirsi Nuur
Nabadoon : Cabdi Xakiin Waariye
Nabadoon: Ibraahim wardi
Nabadoon : Maxamed Sheekh Aadan
Nabadoon:Yuusuf Cali Warsame
Nabadoon :Maxamed Cabdi Raaxoy
Nabadoon : Muxumed Aadan Jirac (Kaba dorog)
Nabadoon : Maxamed Zebriye Siyaad (Caduun
Nabadoon: Islow Faarax indhoy
dhamada.
Wa bilaahi Towfiiq
waxaa weli xeran ganacsiga suuqa toora boora ee xaafada howl-wadaag ee magalada beledweyne.
xaafada – howlw wadaag waxaa ay ka mitahay xaafada magaalada beledweyne dhawaan waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba beelood waxaa xermay goobahii wax barashada lkn hada waxaa ay u muuqataa mid ay ka soo kabaneyso dhibaatadi ka dhalatay dagaalki ka dhacay xaafada howlwadaag. suuqaya xaafada hoowl-wadaag qaar kood ayaa booqday waxaana ku sugan ciidamo katirsan dowlada soomaaliya. lkn dadka ma u oga in ay galaan uga toora boora ee xaafada howlwadaag.ganacsi badan ayaa xeran ilaa iyo hada.
Somalia: president in Beledweyne for the second day, meets with local elders
The president of the federal republic of Somalia Hassan Sheikh Mohamud is in Beledweyne for the second day as he is holding closed-door meetings with local traditional elders.
A freelance journalist in the city Osman Aden Arays says the agenda of talks between the president and the elders remains unknown, but source at the meeting suggest that both sides discussing on state formation process.
Hiiraan elders oppose Somali government’s recent announcement that Jowhar district will host the long-awaited state building conference for Middle Shabelle and Hiiraan region.
The president is on mission to defuse the clan tension in Beledweyne, where two tribal militia clashed in a deadly fight last week, killing at least 40 people, including civilians.
DF oo Shaacisay in shacabka G/Banadir ay doorasho u dareeri doonaan 2016
Wasarada arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in bartamaha sanadka cusub ee 2016-ka bilaha June iyo July in shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ay dooran doonaan hogaan cusub oo uu yeesho Gobolka Banaadir oo ku yimaada rabitaanka shacabka ayna doortaan.
Xoghayaha joogta ah ee Wasaarrada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in 2016-ka in hogaan cusub loo doorto Gobolka Banaadir ayna doortan shacabka ku dhaqan Gobolka Banadir madaama uu shegay in dalka uu qaatay nidaamka Federaalisamka.
Sidoo kale xog-hayaha joogta ah ee wasaarrada arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Dhamaan Gobolada dalka Somaliya laga dhaqan gelin doono Nidaamka Federaalka dalka, shacabka ay wax dooran doonaan, si rabitaanka shacabka loogu hogaamiyo.
Hadii shacabka Gobolka Banaadir ay u dareeraan Doorasho ku aadan hogaanka hogaamin doono, taasi macnaheeda waxa ay tahay rabitaankii Bulshada oo hirgelay, waxaana meesha ka baxaya Magacaabista Guddoomiye aanan ku imaanin rabitaanka Bulshada.
Madaxweyne Xassan Sheekh iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan oo isku raacay in Gogasha shirka lagu qabto Jowhar.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaliya Xassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saddex maalin kulamo iyo shirar gooni gooni ah la qaatay waxgaradka iyo odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan waxaana isla gartay in gogasha shirka lagu qabto Magalada Jowhar islamarkana Caasimada dowlad Goboleedka iyo Madaxweynaha ay qaatan Reer Hiiraan.
Wasiirka ariimaha gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaliya Cabdiraxmana Xuseen odowaa ayaa sheegay in Madaxweynaha dowlada Federaalka iyo odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay isla garteen in la dadajiyo dhismaha Maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe islamarkana la isku raacay in gogasha shirka lagu qabto Magalaada Jowhar Caasimada iyo Madaxweynaha Dolwada Goboleedka ay qaatan reer Hiiraan.
inkastoo lagu la isku afgartay in Gogasha shirka mamul u sameeynta lagu qabto Magalaada Jowhar ayaa haddan waxaa maanta Magaalada Baladweyne ka dhacay Bananbax looga soo horjeeday in gogasha shirka lagu qabto Magalada jowhar ee Gobolka shabeellaha dhexe iyado dadkii ka qeyb galay banaanbax ay sheegeen in ay sameynsan doonaan Maamul Goboleedka Hiiraan state.
Madaxweynaah Soomaaliya Xassan sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo saddex maalin ku sugnaa Magaalada Baladweyne ayaa goordhow dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya.
Mareykanka oo si kulul uga hadlay rabshadihii dhiiga ku daatay ee ka dhacay dalka Jabuuti
Dowladda Mareykanka, ayaa waxa ay ka hadashay Rabshadihii Isniintii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Jabuuti ee dalkaasi, kaasi oo ay dad ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
War qoraal ah oo ka soo baxat Wasaarada Arimaha Dibada dalka Mareykanka, ayaa lagu cambaareeyay falkaasi Rabshadaha ah ee ka dhacay dalka Jabuuti.
War-saxaafadeed ay Wasaaraddu soo saartay, oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Wasaaradda John Kirby, ayaa sidoo kale dowladda Jabuuti loogu yeeray inay si deg deg ah u sii deyso xubnaha mucaaradka ee la xiray.
Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada dalka Mareykanka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, halka ku dhaawacmayna uu u rajeeyay inay caafimaadaan.
Dowladda Jabuuti ayaa wuxuu ugu baaqay inay tixgeliso oo ay xaqdhowrto xuquuqda Bini’aadamka maadaama rabshadihii dhacay ay dhexmareen Bulshada qaar ka mid ah iyo ciidamada Booliska.
“Waxaan ugu yeereynaa dowladda Jabuuti iyo siyaasiyiinta inay sameeyaan wada hadal looga fogaado rabshado dhaca mustaqbalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, kaas oo intaasi ku daray, in mucaaradaka iyo dowladdu ay dib u billaabaan wada hadallada nabdeed si loo xaqiijiyo inay dhacdo doorasho nabad galyo oo cad sanadka 2016.
“Waxanu mar kale xaqiijineynaa taageerada aan u heyno wada hadalladan iyo ballan qaadka dowladda Jabuuti ee ku aaddan xoojinta dowladnimo dhameystiran iyo horrumar,” ayaa lagu soo gaba gabeeyay war-saxafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimmaha dibbada Marykanka.
DHAGEYSO: Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey “Calanka Itoobiya Ayaa Laga Taagay Dhulka Soomaaliya”.
toobiya Ayaa calankeeda waxay ka taagtey Dhanka Soomaaliya Magaalada Buuhodle Sida Uu sheegay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland OO tagey Buuhoodle Isaga Iyo Qunsulka etoobiya Ee puntland Ujooga.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey iyo wafti uu hogaaminayey oo beryahaan howlo shaqo u marayey gobolka Cayn ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo waftigiisa ayaa waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey xubno katirsan golayaasha dowladda Puntland, waxaana uu madaxweyne ku-xigeenku sheegay in safarkii uu kutegey magaalada Buuhoodle uu guul kusoo dhammaaday.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ugu horayn ay Buuhoodle u tageen arrimo laxiriira tacsida AUN hooyadiis oo dhowaan geeriyootey, sidoo kalena ay kala hadleen shacabka Buuhoodle arrimaha ammaanka maadaama xuduudka Itoobiya ay dagaalo sokeeya kadheceen dhowaan.
Dhanka kalena madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dadka kunool gobolka Cayn ay soodhoweeyeen howlaha ay dowladda Puntland ka qabatay gobolka iyo fulinta balanqaadyadii uu u sameeyey booqashadiisii hore ee gobolka.
Ugu dambayntiina Eng Wuxuu sheegay in isaga iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland ay lakulmeen saraakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa Liyuu Booliska, kadib markii ay soo baxda xiisad kadhalatay Calanka Itoobiya oo laga taagey dhanka Soomaaliya ee xuduudka.
Eng-CameyDhageyso :Guddoomiyaha gobolka “Annagu dad Islaam ah ayaan nahay, cid xusi karta ma jirto cidda Kirismaska
Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta ka digay in la xuso ciidda kirismaskta, iyadoo ciddi lagu hela ay sheegeen in sharciga lala tiigsan doono.
Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay shir ku saabsan xoojinta wacyigelinta bulshada ayaa tilmaamay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aan lagu qaban Karin xuska ciidda Kirismaska, waxaaana uu ka digay in ciddii lagu hela laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
“Annagu dad Islaam ah ayaan nahay, ciidaha Islaamka waan naqaan, ciidaha aan leenahay ayaan ilaashaneynaa, marka ciidaha kale cidda iska leh ayay u taala, waayo kirismaska anagu ma aqoonsanin, waxaan rabnaa in aan lagu xadgudbin waxyaabaha diinteena iyo caqiidadeena wax u dhimaya” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka oo hadalkiisa ku daray “Marka aan dadnimadeena ilaalino, oo aan diinteena Ilaalino, oo aan dowladnimadeena ilaalino ayaa karaamadeena soo noqoneysaa, laakiin haddii aan intaas ka leexano karaamadeena way lumeysaa”.
Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka ayaa shacabka ka codsaday mar uu ka hadlayay dhanka wacyigelinta in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay mas’uuliyad iska saaraan dib u soo celinta bilicdii ay lahayd caasimadda oo ay ka shaqeeyaan nadaafada magaalada.
Tilmaamaha Doorashada Habka 4.5 ee 2016-ka.!!
Ujeedada Maqaalkaan waxay tahay fasiraadda iyo soo bandhigidda sababaha lagu qaadan karo laguna fulin karo xulka/doorashada ku saleysan habka awood qaybsiga 4.5 beelood, kaaso ah kan ugu habboon, roon, leh mudnaanta marka la isbarbardbigo afarta hab ee Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) soo jeedisay. Afarta Hab ee la soo jeediyay waxay kala yihiin:
Matalaad ku saleysan Xisbiyo Siyaasadeed
Matalaad ku saleysan 18 Maamul/Dowlad Goboleed
Matalaad ku saleysan 92 Degmo
Matalaad ku saleysan Beelaha 4.5
Marka la darso faa’iidooyinka, faa’ido darrada, iyo shuruudaha hirgelinta hab kasta ee laga soo ururiyay ka qayb galayaashii shirarkii Wadatashiyada ee lagu kala qabtay Magalo Madaxyada Maamul/Dowlad Goboleedyada dalka iyo Magaalada Muqdishu waxay taagerayaan haboonnaanta habka 4.5 sannadka 2016. Sidoo kale, si guud, daarasad wareysi ah ee dhowaan uu faafiyay Machadka Daraasadaha Siyasadda ee Heritage, cinwaankeedu yahay “Soo Xulidda Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya 2016: Aragtida Shacabka” waxay taagereysa aragtida ah in “habka doorashada hal qof iyo hal cod” keli ah ay ka fiican tahay “habka xulidda beelaha 4.5 beelood.”
Ku dhaqanka saddexda Hab doorasho ee ugu horreya waxay u bahaan tahay jiritaanka hab matalaad (Political Representation) oo sharci ku qeexan, sharciyo xisbi iyo doorasho, deegaan maamuleed (Adminsitrative territories) ku cad sharci oo la isla oggol yahay, hay’ado maamul ee nabadgelyo iyo sharci fulin ee lagu kalsoonan yahay shaqadooda, diwaan gelinta codbixiyayaasha, iyo wacyi gelin aad u ballaaran si dadweynaha ugu qancaan natiijada doorashada. Dowladda Federaalka waxba kama qaban 3dii sano ee la soo dhaafay howlaha asaaska u ah hirgelinta saddexda hab doorasho ee ku kala saleysan Xisbi, Maamul/Dowlad Goboleed iyo Degmo. Waxaa mudan xusid in afarta hab doorasho ay kala duwan yihiin oo gef weyn tahay in la isku dhafo ama la isku jacburiyo.
Mudnaanta Matalaadda hab beeledka 4.5
Kaddib markii lagu dhawaaqay inaysan suura gal aheyn doorasho xor ah, xaq ah ee ku saleysan “hal qof hal cod”, isla markaana la diiday in dib loogu noqdo habkii xulashada la dhalliilay ee 2012 oo keli u ahaayeen 135 oday dhaqameed, waxaa Shacabka Soomaaliyeed lagu mashquuliyay inuu talo ka bixiyo hab doorasho lagu soo xulanayo/dooranayo 275 xubnaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ka hor bisha Agoosto 2016. Afarta hab ee kor ku xusan waxaa saldhig u ah in la helo tiro codbixiyayaal ah (Electoral Causus), taaso macnaheedu yahay in xildhibaan kasta ee 2016 ay soo doortaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu u dhexeyso 100 iyo 184 codbixiyayaal.
Qodobbada la isku raacsan yahay ee Matalaadda habka Beelaha 4.5 mudnaanta ku leeyahay waxaa ka mid ah in lagu soo dhaqmayay ilaa 2000, loogana soo gudbay muranka la xiriiray kala badnaanshaha xag tiro iyo kala mudnaan awoodda siyasadda dalka, laguna dhisay dowlad qarameed. Habka matalaada 4.5 waa mid ka dhibaato yar marka la barbardhigo saddexda hab kale oo aan laheyn jaangooyo siyasadeed iyo mid maamul si looga hortago loolan iyo muran siyasadeed oo hor leh, isla markaana suura gal tahay in jufo hoosaadyo beelaha qaarkood iska dhex arki doonin BFS madaama wax qaybsiga heerka degmooyinka u baahan tahay qorshe qaran. Dhibaatada saddexda hab kale waxay ka imaaneysa in bulshada ay weli ku kala aragti duwan tahay, ku kalana qaybsan tahay fikirka haboon ee lagu mideyn karo siyaasadda iyo xukunka dalka.
Habka mataalada dimoqradiga ah ee 4.5 ee 2016 wuxuu fursad u siinaya beelaha iyo jufooyinka Soomaaliyeed inay soo doortaan (election) mudanayaashooda hab aad uga duwan habkii 2012. Afarta beelood ee kala ah Digil iyo Mirifle, Darood, Dir, iyo Hawiye, waxay beel kasta lahaaneysaa 61 xildhibaan, halka beesha shanaad ay yeeleneyso 31 xildhibaan.
Looxa (table) hoose waxaa ku qeexan tirada xildhibaan ee jufo kasta ee 4.5 beelood tartan loogu galayo.
Kala qaybsiga xildhihnannada shanta beelood dhexdooda waa arrin dhib badan laga soo maray, waxaana talo u taal jufooyinka beelaha inay is afgarad iyo wadajir ka yeeshaan. Si kastaba, waa in beel kasta dhexdeeda ka gaarto heshiis oo laga maarmo intii sura gal ah dhexdhexaadin iyo faragelin dibedda. Arrintaas waxay gogol xaar u tahay ku dhaqanka habka dimoqradi ah oo mudnaanta siinayaa wadajoodka iyo is afgaradka bulshada.
Muran kama jiro in qabiilku door weyn ka ciyaaro isbaheysiga iyo kala qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ka jira. Soomaalidu waxay aad ugu faanta Soomaalinnimada, dhinace kale waxaa sugan in abtirsiga qabiilka uu yahay dhaqan qotodheer ee Soomaaliyeed, kaaso qofka siinaysaa sheegasho ka mid ahaansho bulsho la yaqaan (inclusivity) iyo rajo difaac ama hiilo (protection) uu ku helayo ka mid ahaanshahaas. Tilmaanta qabiil (clan identity) waxay jaranjaro u tahay dib u heshiisinta iyo sugidda nabadda Soomaalida dhexdeeda ah.
Oday dhaqameedyada beelaha waxay beelaha dhexdooda ku leeyihiin door muuqda, wxayna kaalin weyn ka qadaanayaan nabadda iyo wadajirka bulshada guud ahaan. Odayaal dhaqameedyada waa keydka xeerka iyo dhaqanka bulshada, waxay kartidooda iyo magacooda ku fuliyaan heshiisyada beelaha dhexmara. Inkastoo ay jiraan maamul goboleedyo iyo hay’ado dowladeed oo kale, odayaal dhaqameedyada waa ugurmadayaasha deg deg ah marka ay dhibaato iyo colaad beeleed kacdo, waxayna ku guuleystaan inta badan inay dejiyaan xiisadaha colaadeed oo xalliyaan khilaafaadka taagan.
75% ee Shacabka Soomaaliyeed waxay kalsooni ku qabaan hab dhaqameedka xallinta khilaafyada bulshada marka loo eego hay’adaha dowladda federaalka sababtoo ah xaalushka xad dhaafay iyo garsoor xumidda ka dhex jira hay’adaha dowladda. Sidaa darted, odayaal dhaqameedyada oo ku jiraan culumada iyo shakhsiyad magac leh waxay awoodan inay si mas’uuliyad ku jirto hogaamiyaan maamulka hannaanka doorashada 2016.
Inta aanan u gudbin sharraxaadda tilmaamaha fulineed ee doorasho 4.5 beeled ee dimoqradiga ah, waxaa muhiim ah inaan hoosta ka xariiqo qodobbo malo fikri ah, tallaabooyin loo baahan yahay in la meelmariyo ka hor doorashada 2016, iyo mabaadi’ guud ee hoogaaminaya doorashada 2016 si loo hagaajiyo xalaalnimda iyo hufnaanta natiijada doorashada.
Malo Fikri ah (Assumptions):
In Jiritaanka iyo ku abtirsiga qabiil sabab u aheyn damiir la’aanta, kartidarrada, ku takrifalka awoodda qaranka, cadaalo darrada iyo fashilka qofka ma’suulka ah. Dhaqanka, Diinta, iyo Dastuurka waxay ku boorinayaan qofka iyo bulshadaba dhaqanka, anshaxa, iyo caqiidooyinka wanaagsan ee qofka aadamiga laga rabo.Xumaanta iyo wanaagga waa kala cad yihiin. Qofka ayaa loo tilmaamay kala doorashada labadaas.
In Hadafka dhowrista sinnaanta awoodda tiro ka dhex jirta qaybaha bulshada soomaaliyeed ay leedahay ahmiyad weyn inta laga gaarayo doorasho ku saleysan hal qof hal cod oo dalka oo dhan ka wada dhacda.
In baahi gaar ah loo qabo doorasho ka fog (ka nasdahan) musuqmaasuq, xatooyo, and wax isdabamarin. Doorasho la musuqmaasuqo waxay burburinaysaa isku kalsoonaanta (bond) bulshada dhexdeeda, waxayna horseed u noqoneysa colaad siyasadeed.
In ilaha ugu waaweyn ee musuqmaasuqa yihiin hay’adaha dowladda dhexdeeda, iyo faragelinta muuqata ama aan muuqan ee shisheeyaha.
In faragelinta dowladda federaalka, Maamul goboleedyada, guddiga doorashada, iyo beesha caalamka ay xoojinayaan kalsooni darrada bulshada iyo qiimo tirka natiijada habka doorasho.
In ragga iyo haweenka ay si siman ah u matalayaan beelahadooda (Clan constituency).
In fashalka dowladda federaalka ee la xiriira inay dalka ka taabbageliso doorasho ku saleysan hal qof iyo hal cod oo xor ah loona simman yahay ay sabab u noqotay in shacabka soomaaliyeed ka shakiyo dacadnimada iyo hufnaanta hoggaamiyaasha dalka.
In xildhibaan kasta uu qiyaas ahaan matalayo ilaa 40,000 qofood oo ah muwaadiin Soomaali ah.
Tallaabooyin ay tahay in la meelmariyo ka hor doorashada 2016:
In la dhammeystiro Dastuurka qabyada ah si loo xaqiijiyo madaxbannaanida, karaamada, iyo midnimada Soomaaliya oo leh nidaam dowladeed oo sharci ah.
In xildhibannada 2016 laga xaarantimeyo inay qabtaan xil aan aheyn kan matalaada bulshada soo dooratay si loo hagaajiyo kala qaybsanaanta awoodda mas’uuliyadda hay’adaha Dowladda iyo xaqiijinta ilaalinta awoodda barlamaanka ee ah kormeerka (oversight) howl fulinta xukuumadda iyo hay’adaheeda si looga hortago daneysi gaar ah iyo wax qabad la’aan.
In la fuliyo tallaabooyin xididada loogu siibayo musuqmaasuqa, ku takrifalka awoodda dowladeed, iyo gaar u lahaanshaha idaacadda iyo telefishinka dowladda. Waa in la abaabulo Korjooge caalami ah (International Watchdog) oo ilaaliya wax ka qabashada nooc kasta ee musuqmaasuqa iyo xuquuqda muwaadiinta.
In la dejiyo, lana ansixiyo xeerar iyo awaamir ku saabsan sinnaanta tartamayaasha doorashada 2016 u leeyihiin isticmaalka Idaacadaha iyo Telefishinka Dowladda iyo Hantida kale ee Qaranka.
In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada xilka haya laga reebo inay ka qayb galaan tartanka doorashada 2016 sababtoo ah eedaha musuqmaasuq iyo awood ku fakri falka loo aaneynayo ay xumeeyeen xiriirka beesha caalamka iyo Soomaaliya.
Mabaadi’da Habraaca Doorashada 4.5 beelaha 2016:
Ayadoo wax laga beddelayo mabaadi’ida habraaca ka soo baxay MWQ, doorashada habka 4.5 ee 2016 waxaa hoggamin doona mabaadi’da hoos ku qoran:
Waa in xulashada habka doorashada 2016 ka taliyaan khubaro Soomaaliyeed oo aqoon fiican u leh cilmiga doorashada iyo siyaasadda iyo dhaqanka Soomaaliya, waana in laga ansixiyo wakiillocaa bulshada Soomaaliyeed ka haysta kalsooni, kana madaxbannaan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Beesha Caalamka. Qaabka loo hirgeliyay Wadatashiga Qaran ma laheyn nuxur, wuxuuna aad uga fogaa ku dhaqanka hab wanaagga loo maro ka wadatashiga nidaam doorasho.
Waa in Matalaadda shacbiga ee ka soo baxaysa Doorashada 2016 ay xoojineyso midnimada shacabka iyo dhulka Soomaaliyeed, iyo horumarinta maslaxadda guud ee Qaranka Soomaaliyeed.
Waa in Habka Doorasho Beeleedka 4.5 lagu dabaqo mabaadi’da dimoqradiga ah sida ka qayb galka dadweynaha, daahfurnaanta, sinnaanta, iyo nidaam ku dhaqanka.
Waa in Maamulka Doorasha-beeleedka 2016 loo daayo bulshooyinka/Jufooyinka (Constituencies) la matalayo, isla markaana ay mas’uul ka noqdaan xallinta khilaafaadkoodka. Codbixiyayaasha wakiilka ka ah beelaha la matalayo (constituencies) waxaa lagu xulaya hab ku saleysan dhaqanka bulshada iyo nidaam la isku waafaqay saddex bilood ka hor taarikhda rasmiga ah ee doorashada.
Waa in la garwaaqsado in Matalaadda Beelaha la mid tahay matalaadda deegaan iyo jinsi. Dhinaca kale, Barlamaanka iyo Hay’adaha Maamul Goboleedyada ayaa daboolaya baahiyada la xiriira danaha gaarka u ah deegaanka hab waafaqsan nidaamka Federaalka qabyada ah.
Waa in beel kasta dhexdeeda uga heshiiso qaab (mechanism) loo xalliyo khilaafaadka iyo cabashooyinka ka dhalan kara tartanka iyo maamulka doorashada. Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka waa inay ka fogaadaan inay ka hordhacaan ama garabmaraan habka khilaaf xallinta la xiriira doorashada ee beeluhu ku heshiiyaan.
Waa in la tixgeliyo in BFS 2016 uu matalayo maamul goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyed ilaa 2020.
Tilmaamaha (Guidelines) fulinta doorashada ku saleysan hab beeleedka 4.5:
Jufo kasta (Constituency) ee dooranaysa xubin BFS iyo ka badan waxay qabanaysaa shir guud oo ay ku dooranayso Guddiga Hoggaminta Doorashada (Electoral Leadership Committee) ee ka kooban 5 xubin, Xoghayn (Secretaries) oo ka kooban 3 xubin, iyo Xubno Talo Farsamo (Advisory body) ka kooban 5 xubin, oo dhammaan mas’uul ka noqonaya maamulka doorashada Jufada la matalayo (constituency). Hogganka, Xoghyanta, iyo Xubnaha Talo Farsamo waxay ka koobnaanayaan xubno aqoon fiican, waayo aragnimo leh, laguna yaqaan hufnaan iyo wanaag.
Magacyada iyo Saxiixyada Guddiga Maamulka Doorasho Jufo waxaa loo gudbinaya Hay’adda Qaranka ee kor ka Ilaalinta Doorashada 2016 (National Electoral Monitoring Body) oo ka kooban Xubno Madaxbannaan ee Bulshada Soomaaliyeed iyo Xubno ka tirsan Ururrada Caalamiga ah ee Ilaaliya Doorashooyinka.
Xubnaha Maamulka Doorashada Jufo waa inay raacaan kuna dhaqmaan dhaqanka iyo xikmadaha wanaagsan ee qofka mas’uulka laga rabo, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashada 2016.
La socosho iyo danta guud darted, Guddiga Maamulka Doorsahda Jufo waa inuu u gudbiya warar sax ah oo run ah kuna saabsan maamulka doorashada guddiga Qaranka ee kor ka ilaalinta iyo la socodka Doorashada 2016, Xafiisyada Madaxabannaan ee Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Bulshada Ra’yidka, iyo Warbaahinta.
Jufo doorasho kasta waxay xulaneysaa goobta ku habboon in lagu qabto doorashada. Jufo doorasho kasta waxay ku dhawaaqi doontaa goobta codbixinta doorashada saddex bilood ka hor maaliinta doorashada.
Kursi Kasta ee Jufo loo qoondeyay waa in loo tartama, lamana oggola in kursi xildhibaan la siiyo ama lagu magacaabo qof doorasho la’aan.
Musharraxiinta kursi xildhibaan kasta waxay u dhexeynayaan 2 ilaa 5 qofood. Guddigga Maamulka Doorashada Jufada iyo wax garadka beesha ayaa go’aan ka gaarayaa kala reebidda musharraxiinta ka badan 5 qofood.
Musharrax kasta waa inuu qabtaa shirar iyo kulammo uu la yeelanayo Jufada uu matalayo si uu ugu gudbiyo aragtidiisa siyasadeed isla markaana su’aalo lagu weydiiyo.
Jufo kasta waxay halkii xildhibaan u xulaneysaa 200 codbixiyayaal oo laga soo kala xulayo qaybaha Jufada ka kooban tahay: dhaqanka 20, haweenka iyo dhallinyarada 80, culumada iyo aqoonyahannada 50, iyo siyaassinta iyo ganacsiga 50. Waxaa kaloo tirada ka mid ah dadka laxaadka la’. Maalin ka hor maalinta doorashada ayaa 100 codbixiye laga soo dooranaya hab qori tuur ah.
Musharraxiinta waxay fursad u leeyihiin inay naqdiyaan codbixiyayaasha la xulay bil ka hor doorashada haddii ay jiraan sababo xulasho xumo iyo musuqmaasuq. Guddiiga Maamulka Doorashada Jufo ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaaraya naqdinta musharraxaha.
Codbixiyaasha doorashada waa la dhaarinaya ka hor inta aysan gudan codbixintooda waxaana lagu dhaarinaya inay codkooda ku bixiyaan si waafaqsan u adeegidda danta soomaaliyeed iyo danta jufada ay wakiilka ka yihiin oo aysan codkooda ku bixineyn dan shakhsi ah, xigtanimo, laalush, qof jecleysi, qof neceyb, iyo eex.
Codbixinta waxay ahaaneysaa qarsoodi, ay markhaati ka yihiin musharraxiinta ama wakiilladooda, warbaahinta, wakiillada bulshada ra’yidka ah, iyo goobjoogayaal kale.
Doorashada xildhibaan kasta waxay qaadaneysa saddex wareeg. Xildhibaanka waa inuu helaa tiro ka badan kala bar codbixiyayaasha 100ka ah si uu u guuleysto.
Warqadaha codbixinta waa la gubaya haddii aysan cabasho maamulxumo codbixinta ah natiijada guusha lagu dhawaaqay. Natiijada doorashada iyo macluumaadka la xiriira xildhibaanka guuleysatay waxaa loo gudbinaya warbaahinta, barlamaanka, iyo hay’adaha kale ee dowladda oo shaqada ku leh doorashada.
Doorashada 2016 waxay socon doonta hal usbuuc oo ka bilaabmaya maalinta sabti ee bisha Luulyo tahay 16ka tahay, waxayna dhammaaneysa maalitna khamiista ee bisha Luulyo tahay 21ka, 2016.
Guddiga Maamulka Doorashada Jufo ayaa wada saxiixaya warqadda doorashada Xildhibaanka guuleysta.
Xildhibaanka la doorto wuxuu luminaya kursigiisa haddii muddo hal sano gudihiisa ay soo baxaan xog burineysa shuruudaha xildhibaan noqoshada ee Dastuuriga ah ayadoo loo marayo nidaam maxkamadeed.
Jufo kasta waxaa laga rabaa inay doorato xildhibaankeeda waqtiga loo qabtay. Haddii kale, kursiga xildhibaan waxaa lagu wareejinaya Jufo kale ee beesha si qori tuur ah.
Guddiga Maamulka Doorashada Jufo waxaa lagu taakuleynaayaa 100,000 doolar halkii xildhibaan. Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka waxay bixinayaan ilaa 60,000 doolar, halka Jufada Doorashada ay bixineyso 40,000 doolar. Guddiga Maamulka Doorashada Jufo wuxuu diiwan gelinaya deeqda ka timid xubnaha beesha. Wixii lacag dheeri ah ee la bixiyo waxay u muuqanayaan laalush dhalin kara burrinta doorashada haddii aan horey looga heshiin.
Marka laga reebo qodobbo gaar ah, marka la beddelayo xildhibaan dhintay ama is casilay, Beelaha oo dhan waxay raacayaan hab isku mid ah ee kor ku xusan.
Waxaan halkaan hoose ku tilmaamaan shax kuraasta lagu tartamayo Jufooyinka beelaha 4.5 dhexdooda kuna saleysan tusaale laga soo qaatay Barlamaanka 2012.
Table: Kuraasta Xildhibaan ee lagu tartamayo
4.5 Clans Clan Constituencies as per 2012 parliament Number of Competitive Seat(s) Electoral Caucasus=100 voters per MP
1. Fifth Clan 1. Bajun 1 100
2. Benadiri(Ashraf, Reer Faqi, Bandhabow) 3 300
3. Benadiri(Shanshi, Qalin Shube, Gamedle) 3 300
4. Barawe Bida 1 100
5. Carab Somali 1 100
6. Carab Mohamud Salah 3 300
7. Garjante 1 100
8. Jareer Weyne Shabelle Hoose (Hintire and Elay Jabay) 2 200
9. Jareer Weyne Shabellada Dhexe (Shidle) 2 200
10. Jareer Weyne Lower Jubba (Mushunguli) 1 100
11. Jareer Weyne Hiiraan ( Makenne iyo Reer Shabelle) 2 200
12. Reer Aw Xassan 2 200
13. Rutis-(Madhiban) 2 200
14. Rutis (Yaxar) 2 200
15. Rutis (Tumal) 1 100
16. Rutis- (Yibir) 1 100
17. Rutis- (M/Dheri) 1 100
18. Ujuuraan 2 200
2. Dir Clan 1. Isaq/Habar Jeclo 2 200
2. Isaq/Habar Jeclo 2 200
3. Isaq/Habar Jeclo 2 200
4. Isaq/Habar Yonis 2 200
5. Isaq/Habar Yonis 2 200
6. Isaq/Habar Yonis 2 200
7. Isaq/Habar Awal 2 200
8. Isaq/Habar Awal 2 200
9. Isaq/Habar Awal 2 200
10. Isaaq/Ciidagale 2 200
11.Isaaq/Ciidagale 2 200
12. Isaq/Carab 3 300
13. Isaq/Carab 2 200
14.Isaq/Toljecel 1 100
15.Gadabuursi (Maxamed Case) 3 300
16.Gadabuursi (Makaahil) 3 300
17. Gadabuursi (Habar Arfaan) 3 300
18.Banjamal 1 100
19. Biyamal (Ismin) 2 200
20. Biyamal (Gaadsan) 2 200
21. Biymal (Sa’ad, Daado) 2 200
22. Biyamal (Adeer=Daadrube) 1 100
23. Ciise (Dalol) 3 300
24.Ciise(Habar Abgaal) 5 500
25. Surre (Abdalle) 3 300
26.Surre (Qubeys) 2 200
27. Reer Aw Said 1 100
28. Madaluug 1 100
29.Wardey 1 100
3. Digil & Mirifle Clan 1. Ashraf 2 200
2. Bagedi 2 200
3. Dabarre 3 300
4. Disow 1 100
5. Elay 3 300
6. Emed 1 100
7. Eyle 1 100
8. Gababweyn 1 100
9. Gare 3 300
10. Garwade 1 100
11. Gasare Gude 1 100
12. Geladi 2 200
13. Gelidle 3 300
14. Hadame 4 400
15. Haraaw/ 1 100
16. Heledi 1 100
17. Hubeer 2 200
18.Jiido 3 300
19.Jilible 2 200
20.Jiroon 2 200
21. Luway 3 300
22. Leysaan 3 300
23. Macallin Weyne 2 200
24. Qomaal 1 100
25. Reer Dumaal 1 100
26.Shanta Calemood 3 300
27. Tuni 3 300
28. Waanjel 1 100
29.Xaruub/Hariin 3 300
30.Yantaar 2 200
4.Darod Clan 1. Cosman Maxamud 2 200
2.Ciise Maxamud 2 200
3. Cumar Maxamud 2 200
4.Nuux Maxamud 1 100
1. Cali Jabra’il 1 100
6. Cali Salebaan 1 100
7. Biciidyahan 1 100
8. Ugaar Saleban 1 100
9. Sawaaqroon 1 100
10. Awrtable 3 300
11. Dashishle 2 200
12. Leelkase =Mudug= (Mohamed Mumin, Reer Fiqi Ismail, Mumin Adan) 3 300
13. Lelkase=Bari, Nugal=(Mohamed Ali, Reer Hassan) 2 200
14. Dhulbahante (Farah Garad) 3 300
15. Dhulbahante (Mohamud Garad) 3 300
16. Dhulbahante (Bah Nugal) 2 200
17. Warsangeli (omar) 3 300
18. Warsangeli (Dubeys) 2 200
19. Ogaaden (Bah Geri) 1 100
20. Ogaaden (Cawlyahan) 3 300
21. Ogaden (Maqaabul) 2 200
22. Ogaaden (Maxamed Suber) 3 300
23. Ogaden (Cabdalle/Talamuge) 1 100
24. Bartire 2 200
25. Mareexan (Reer Hassan) 2 200
26. Mareexan (Ur Midig) 1 100
27. Mareexan (Wagardhac, Talho, Hawrarsame) 3 300
28. Mareexan (Dini=Bah Hawiye, Bah Ogaden) 4 400
29. Mareexan (Cali Dhere, Rer Axmed, Fiqi Yacqub) 3 300
30.Mareexan (Celi) 1 100
5.HawiyeClan Abgaal (Wa’aysle) 3 300
2. Abgal (Wacbudhan) 3 300
3. Abgaal (Harti) 3 300
4. Abgaal Hilibe 1 100
5.Abgaal Wacdaan 1 100
6.Mobileen 1 100
7. Ujeeden 3 300
8. Wadalaan 1 100
9. Sarur 3 300
10. Salebaan (Farax) 1 100
11.Saleeban(Dashame) 2 200
12. Cayr 3 300
13.Sacad (Cabdalle) 1 100
14.Sacad (Cawareere) 2 200
15. Silcis 1 100
16. Xawadle Dige Samatalis (Cise Dige) 4 400
17. Xawadle Dige Samatalis (Yabar Dige) 1 100
18. Xawadle Cabdalle Samatalis 1 100
19. Xawadle Yusuf Samatalis 1 100
20. Xawadle Reer Ugas/Adeeraha 1 100
21. Baadi Cadde 3 300
22. Gal Jecel 5 500
23.Jidle 1 100
24. Jajelo 1 100
25. Duduble (Mohamed Amal, Maqalsame) 2 200
26. Duduble (Arse, Habar Awraden) 2 200
27.Murusade-Sabti 3 300
28.Murusade-Fol Ulus 4 400
29. Shiiqaal 3 300
Soomaaliya waxay aad uga welwelsan tahay mustaqbalkeeda. Musuqmaasuqa iyo maamulxumidda doorashada 2016 waxay uga dareysaa xaaladdaas. Doorashada dimoqradiga ah ee 4.5 beelaha Soomaaliyeed waxay ugu horreyn taraysa inaan looga darin xaalka welwelka leh ee hadda lagu jiro.
Dhageyso :Waxaa Magalaada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan ka furmay shir dib u heshiisiin oo loo qabtay beelihii dhawan ku dagalamay Xaafadda holwadaag ee Magaalada Baladweyne.
Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guudoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba Geed) Aagaasiimaha waaxda dib u heshisiinta Wasarada ariimaha gudaha iyo Federaalka Daahir Warsame Fiidow, Agaasiimaha waaxda Federaalka Cabdinasir Xaaji Maxamed odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo waxgaradka labada dhinac ee dhawan dirirtu ku dhaxmartay xaafadda holwadaag ee Baladweyne.
Agaasiimaha waaxda dib u heshiisinta Wasaarada ariimaha Gudaha iyo Federaalka Daahir warsame Fiidow (Areey) ayaa sheegay shirkan dib u heshiiisiin loo qabtay labadii beelood ee dhawan dirirtu ku dhaxmartay xaafadda holwadaag ee Baladweyne islamarkana rajo wanagsan laga qabo in xal rasmi ah laga gaaro isago sheegay in wafdi ka socda dowlada federaalka uu hogaamainyo wasiirka aminga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ay ku guuleystay in heshiisi la dhax dhigo labada dhinac.
Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba Geed) oo is rasmi ah uu furay shirka dib u heshiisiin ee loo qabtay beelihii dhawan ku dagalamay xaafadda holwadaag ayaa kula dardarmay labada dhinac in ay ka shaqeeyaan nabad islamarkana ay dhameeyn khilaafka ka dhexeya.
Waxaa Magalaada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan ka furmay shir dib u heshiisiin oo loo qabtay beelihii dhawan ku dagalamay Xaafadda holwadaag ee Magaalada Baladweyne.Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) uu jir-dil u geystay, uuna ku xad-gudbay xasaanaddiisa.
Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) uu jir-dil u geystay, uuna ku xad-gudbay xasaanaddiisa.
C/qaadir Maxamed oo Muqdisho ugu warramayay warbaahinta ayaa sheegay in isagoo ku sugnaa saldhigga booliiska degmada Xamar-weyne uu taliyaha booliiska bud, feer iyo haraanti ku billaabay, isla markaana uu korkiisa rasaas ka riday, mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawacay.
“Maanta waxaa awoodii dowladnimada ku xadgudbay taliyaha booliska gobolka Banaadir, Jen. Cali Gaab oo ku tuntay xasaanadeyda, wuxuu igu sameeyay jirdil, gacan ayuuna iila tagay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamar-weyne oo intaas ku daray in taliyuhu uu u isticmaalay awood xad-dhaaf ah.
Sidoo kale, guddoomiye C/qaadir Maxamed ayaa hadalkiisa raaciyay in ciidan uu watay taliyaha booliska ay shacabkii degeenaa wakaaladdii filimada Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Xamar-weyne ay xoog uga saareen, isagoo xusay in markii uu u tagay taliyaha uu weydiistay warqad fasax iyo inaan lagu soo wargelin maamulka degmada, isla markaana aanay jirin wax muddo ah oo la siiyay dadkii deggenaa dhismaha, si ay uga guuraan haddii muddo la siiyay.
“Shacabka deegaanka ayaa xarunteyda igu yimid oo cabasho igu yimid, markii aan taliyaha u tagay waxaa weydiiyay inuu warqad fasax ah heysto, wuxuuna i yiri waa tan warqaddii, waxaana ku iri shacabka in digniin la siiyo ayay ahayd oo loo qabto muddo ay ku guuraan, wuxuu igu jawaabay haddii aad joojin kartid jooji, markaas waa kasoo tagay, saldhiga booliska ayaa imid, anoo fadhiya ayuu iigu yimid, asigoo bud wata, ka bax saldhiga ayuu u yahay, inaan baxayn ayaan u sheegay, markaas kadib anoo fadhiyo ayuu bud ila dhacay, feer iyo laad,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye C/qaadir Maxamed C/qaadir.
Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne ayaa xusay inuu arrintan ku wargeliyay hay’adaha ammaanka dowladda, isla markaana uu ka sugayo jawaab, ayna ku kala baxayaan sharciga.
Ugu dambeyn, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliyaha qaybta booliiska ee gobolka Banaadir ee ku aaddan jirdilka uu sheegay guddoomiyaha Xamar-weyne inuu u geystay taliyaha booliiska gobolka Banaadir.
Maamulka gobolka Sh/dhexe oo ka mamnuucay indho shareerka iyo mootoyinka Bajaajta magaalada Jowhar
Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka mamnuucay haweenka inay xirtaan indho shareerta iyo in mootooyinka Bajaajta loo yaqaan aysan socon karin xilliyada habeenkii.
Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ku macneeyay sababta loogaga mamnuucay magaalada indhoshareerta inay tahay iyadoo ay ku soo dhex dhuuman karaan rag doonaya in ay falal amni darro ka fuliyaan magaalada.
Agaasimaha Warfaafinta Maamulka gobolka Sh/dhexe C/karin Cumar Macalin ayaa sheegay in laga bilaabo 25ka bishan December aan la oggolaan doonin in haweenka indhaha shareerka ku dhex maraan magaalada Jowhar.
“Iyadoo laga duulayo adkeynta ammaanka degmada Jowhar oo dhowaan uu ku furmayo ayaa maamulka gobolka waxa uu go’aansaday in gebi ahaanba haweenku aysan xiran karin indho shareer iyo weliba in mootooyinka bajaajta iyo mootooyinka kale aysan xilliyada habeenkii aysan socon karin laga bilaabo maqribnimadii.”ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka Sh/dhexe.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu wado in dhowaan uu shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ka furmo magaalada Jowhar.
Ma aha markii ugu horeysay ee laga mamnuuco haweenka magaalada Jowhar inay xirtaan indho shareerta hase yeeshee maamulkii hore Maxamed Dheere ayaa ka mamnuucay xirashada indho shareerta.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo dib u furay Suuqii Xaafadda Holwadaag ee Baladweyne.
Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba Geed) oo ay weheliyan Xubno ka Tirsan Wasaarada ariimaha gudaha odayasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa maanta ku guuleystay in dib loo furo Suuqii Xaafadda holwadaag oo ku xirmay dagaladii u dhexeyay labo beelood oo wada dega galbeedka gobolka Hiraan oo dhawan ku dhaxmaray Xaafadda holwadaag ee Magalaada Baladweyne.
Selection reporters Hiran region in 2015
Selection reporters Hiran region in 2015.
4 journalists from operating in the region was held by journalists as the Somali people.
Vote and census to encourage all journalists, especially those with a demonstrated commitment to the work force in the region, it was survey from different people in different countries , and as part of a visit by journalists in Hiran region and also operate a global television broadcast and different interior has visited the region and said that the visits are often located in Hiran region.
Some Somalis who have been asked to choose the best journalists in Hiran region in 2015 and the disclosure of information in the development of speaking and the Hiran region of Somalia for the year in which more than 95% of voters backed four journalists from various media operations, and proposed to strengthen the progress made.
They have two double to work on efforts to Somalis abroad and,
1. Ismail Abdi Aden is a radio journalist operating in the region, especially the interior is timed collection is identified as a correspondent for the title of the news reports on the radio station in the town of Beledweyne from year’s balanced a Koranic The Hiran region from many problems such as flooding and clan conflict on the basis of their country develop lahed.
2. Journalist of the Year in the Social identified Bashir Abdullahi Osman discussions and professional articles on Somalia prepared his information about the problems facing the people of Somalia in the Hiran region that led to the war conditions in Hiran region.
Journalist Bashir Abdullahi Osman organized many discussions and interesting so happy as he refereed a lot of debate about Somalia .
Bashir Abdullahi Osman was assisted to help single mothers returned from fighting in Hiran region in 2015 .
Ibrahim Mohamed Muse ( Zola ) steps in tv.ga Presidential photographer ‘s photographer was last year in 2015 and to his photos from the fighting in beledweyn , the capital of Hiran region has the audacity to present to the government for certainty real in the region.
4.maxamed Abdi inspiring photographer was the second year in Hiran himself as a photographer for the capital .
Xulashadda weriyaasha gobolka hiiraan sanadkii 2015 .
Dec 24, 2015 – Aragtiyood
Xulashadda weriyaasha gobolka hiiraan sanadkii 2015 .
4 Suxufi oo ka tirsan kuwa ka howlgala gobolka hiiraan ayaa noqday Wariyaasha sida waxaangsan wax ugu qabtay shacabka soomaaliyeed.
Codeyn oo u jeedkeedu aheed in lagu dhiirageliyo dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa si weyn u muujiyey dadaalka ku aaddan howlahooda shaqo ee ka howlgala gobolka hiiraan , waxa ay coddeyntu aheyd Ra’yi uruurin laga qaaday dad kala duwan oo ku nool wadama kala duawan , waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa dad booqday sanadkan gobolka hiiraan suxufiyiin oo iyagana ka howlgalla Telefishinna caalami ah iyo warbaahin kala duwan ayaa waxaa ay booqdeen magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan waxaana ay sheegen in ay booqdeen meela badan oo kuyaalaa gobolka hiiraan .
Qaar ka mid ah Soomaalida oo wax laga weydiiyey cidda ay u dooran lahaayeen Wariyaasha ugu wanaagsan gobolka hiiraan 2015 dhanka wararka iyo soo gudbinta macluumaadka horumarineed ee ka hadlaya Soomaaliya iyo gobolka hiiraan wixi ka dhacay sanadkaan, kuwaas oo in ka badan 95% codkooda ku taageeray afar wariye oo ka howlga warbaahin kala duwan , isla markaana u soo jeediyey in ay xoojiyaan horumarka ay sameeyeen.
Waxa ayna ku dhiiragelinyeen in ay si laba labalaabaan dadaalada shaqo ee dhanka u adeeggidda umada Soomaaliyeed dibadaba iyo dalka ,
1. ismaaciil cabdi adan waa weriye ka howlgala radio codka hiiraan ee kutaala magaalada beledweyne waxaa Ra’yi uruurinta loo aqoonsaday inuu yahay Weriyaha horyaalka dhinaca wararka idaacada codka hiiraan ee ku taala magaalada beledweyne waxaana uu soo gudbiyaay sanadkaan warar isku dheeli tiran oo dhax dhaxaad ah iyadoo gobolka hiiraan ay ka jireen dhibaatooyin badan sida dagaalo kusaleysan qabaail fatahaado iyo sidii ay soomaliya u hormari lahed.
2 . Weriyaha Sanadka ee dhinaca arrimaha bulshada waxaa loo aqoonsaday bashiir cabdulahi cismaan oo doodo cilmiyeeysan iyo maqaalo xirfadeysan oo ku wajahan arrimaha soomaaliya ka diyaariyey waxaana uu ka diyaariyaay warbixino kusaabsan dhibaatoyinka haysta dadka soomaaliyeed ee ku nool gobolka hiiraan wixii keenay dagaaladii ku soo laalaabtay gobolka hiiraan.
Weriye bashiir cabdulahi cismaan wuxuu qabanqaabiyay doodo badan oo xiiso leh iyadoo aad loogu riyaaqay sida uu u garsooray doodo badan oo laxiriira soomaliya.
bashiir cabdulahi cismaan ayaa waxaa uu gacan weyn ka geystay sidii loo gargaari lahaa hooyooyin agoonleey ku noqday dagaaladii ka dhacay gobolka hiiraan sanadkaan 2015 .
ibraahim maxamed muuse (Zola) waaxaa sawirqaade ka tirsan tv.ga somalichannel waxaa uu noqday sawirqaadaha sanadkii tegay ee 2015 wuxuuna sawiro dhaxal gal ah ka soo qaaday dagaaladii ka dhacay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiran isagoo ku dhiiraday in uu u soo bandhigo umada soomaaliyeed xaqiiq dhabta ah ee ka jirta gobolka hiiraan .
4.maxamed cabdi saney ayaa noqday sawirqaadaha labaad ee sanadkaan gobolka hiiraan asiga oo sawirqaade u ah hiiraan online.
Somaliland oo ka jawaabtay hanjabaad ka timid…
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdullahi Fadal Iimaan oo ka jawaabayay hadal dhawaan kasoo yeeray maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegay in dhul ay leedahay Somaliland uusan talaabo uga banaaneyn Al-shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in difaaca shacabka Somaliland aysan ugu aaba yeeli doonin cidna, waxa uuna saraakiisha amaanka ku amray inay heegan galshaan dhamaan ciidamada.
Al-shabaab ayuu sheegay inay kasoo horjeedo xasiloonida ka taagan deegaanada Somaliland , balse taa bedelkeeda ayuu ku goodiyay in amaanka iyo degnaanshiyaha Somaliland ay ku keeni doonaan qori caaradiisa.
”Somaliland maaha dhul argagixiso in Al-shabaab ay carqaladeyso amaanka cidna kama aqbali doono wey naga go’an tahay in amaanka shacabkeena aan ku difaacno awoodeena”
Taliyaha Fadal waxa uu ka digay in shacabka ku nool Hargeysa iyo Deegaanada kale ee maamulka ay degnaansho siiyaan waxa uu ugu yeeray Argagixisada waxa uuna ku baaqay in Ciidamada lagu soo wargaliyo cidii ku cusub magaalada oo laga shakiyo, si uu yiri ay ciidamada u baaran.
Sheekh Fu’aad Shangole oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa maalmo ka hor sheegay in weeraro ay ka fulin doonaan deegaanada Somaliland ay maamusho kadib markii uu sheegay in maamulka uu dhalinyarada ka mamnuucay barashada kitaabada qaar oo dadka faraaya Jihaadka.
Waxaa uu sheekh Fu’aad intaa ku daray in Al-shabaab haddaba ay joogto meel 8KM u jirta Hargeysa kana faafinayaan Diinta Islaamka.
Dhanka kale, Inta badan wadooyinka deegaanada maamulka Somaliland ayaa waxaa lasoo dhoobay ciidamo aad u feejigan kuwaasi oo baaritaano ka haya wadooyinka iyo guryaha qaar.
war qoraal ah oo ka soo baxay mas’uuliyinta ishahiiraan.com ayaa sheegay in aysan qeyb ka aheen kulan la sheegay in uu ka dhacay magaalada beledweyne.
war qoraal ah oo ka soo baxay mas’uuliyinta ishahiiraan.com ayaa sheegay in aysan qeyb ka aheen kulan la sheegay in uu ka dhacay magaalada beledweyne. waxaa cadeynaynea Suxufiyiinta ka howlgala Warbaahinta Maxaliga ah iyo mida Caalamka ee wakiilada ku leh Gobalka Hiiraan in aysan jirin wax la doortay 74 Suxufi hiiraan mana ka howl galan xiligaan.
dhawaan filo warbixin arintaan ku saabsan.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo maanta xilka la wareegayo
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar daba-geed ayaa maanta la wareegaya xilka, kaddib markii dhawaan uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Qaban qaabada munaasabadda uu xilka kula wareegayo Yuusuf Daba-geed ayaa iminka ka soconeysa xarunta degmada Beledweyne, kaasi oo ay ka soo qeyb galayaan maamulka goblka, kan degmada, saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada Beledweyne ku sugan.
Guddomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa la filayaa in uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyo guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa horey u balan qaaday in uu la imaan doono isbadal dhab ah, isla markaana uu xoogga saari doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo xoojinta amniga gobolka.