Quantcast
Channel: Warar Xaqiiqo ah Kala Ishahiiraan
Viewing all 2155 articles
Browse latest View live

Taliyaha Kooxda Mucaradka Wadanka Suuriya Oo Duqeyn Lagu Dilay

$
0
0

Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareeya jabhadaha mucaaradka ah ee ka dagaallamaya Suuriya ayaa lagu dilay duleedka magaalada Dimishiq.

Wararka ayaa sheegaya in Zahran Alloush iyo dhowr sarkaal oo kale ay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha Ruushka ka fuliyeen degmo ku taalla duleedka caasimadda.

Jabhadda uu hogaaminayay Zahran ee Jaysh al-Islam ayaa waxaa si weyn u taageerta dowladda Sacuudi Carabiya.

Alloush ayaa noqday sarkaalkii ugu sareeyay ee ku dhinta duqeymaha Ruushka tan iyo markii uu howgalka ka bilaabay Suuriya.

Xukuumadda Moscow ayaa ku tilmaamtay jabhadda Jaysh al-Islam mid argagixisa ah.

Salgal-Sare


Maamulka Sh.dhexe oo beeniyay in ay mamnuuceen Indha-shareerka iyo Bajaajta.

$
0
0

Iyada oo shalay War uu warbaahinta qaarkeed siiyay Agaasimaha Warfaafinta Gobolka Shabeellaha dhexe lagu sheegay in maamulka Gobola shabeellaha dhexe ay mamnuuceen Indha-shareerka ay xirtaan Haweenka iyo Mooto Bajajta ayaa Maamulka Gobolka waxaa uu sheegayaa in arrintaasi ay been tahay.
Guddoomiyaha dib u heshiisiinta,iyo federaalka ahna ku simaha guddoomiyaha Gobolka Sh.Abuukar Cali Maqaney ayaa waxaa uu been  abuur ku tilmaamay warka ka soo baxay Agaasimaha Warfaafinta Gobolka.
Sh.Abuurkar waxaa uu sheegay in Warkaasi uu soo baxay Shalay oo Jimco ahayd ay xirnaayeen Xafiisyada Maamulka sidaa darteedna aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Maaamulka Gobolka Shabeellaha dhexe.
Waxaa uu intaa ku daray in Guddoomiyaha Gobolka uu ku maqan yahay muqdisho,isagana uu yahay ku simaha Gobolka Shabeellaha dhexe,mana aysan jirin ayuu yiri wax is wareysi ah oo dhexmaray Agaasimaha warfaafinta iyo isaga.
Idaacadaha Wareystay Agaasimaha ayuu sheegay in ay uga fadhiyaan Caddeynta Warkaasi oo qoraal ah,waxaana uu intaa ku daray in maamulka uu ku dabajiro hadalka Agaasimaha Warfaafinta baaritaanna lagu sameynayo.
Sh.Abuubar ayaa raalli gelin ka bixiyay hadalkaas oo uu ku tilmaamay in uusan ahayn mid uu ka war qabay maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe.
 

Aragtida Wasiir Nuur Faarax ee Somaliland. W/Q: Yuusuf Garaad

$
0
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Nuur Faarax, ayaa mar uu booqday magaalada London wuxuu hadallo cad cad oo aan gabbasho lahayn u jeediyay beesha Soomaalida.

Wuxuu ka hadlay Soomaalinnimada, nidaamka Federaalka ee Soomaaliya laga hirgelinayo cilladaha ku jira iyo khatarta ay leedahay qaabka loo fulinayo iyo qodobbo kale.

Wasiirku wuxuu degaan ahaan ka soo jeeda Somaliland. Mowduuca aan qormadeyda u xushay waa sida uu Wasiir Nuur u wajahay gooni isu taagga iyo halka uu isagu ka taagan yahay isaga oo mararka qaarna waafajinaya xaqiiqada koofurta taalla. Waxaan toos u soo minguurinayaa erayadiisii.

Mar uu ka hadlayay Wasiirnimadiisa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka soo jeeda Somaliland wuxuu yiri:

Dadka aan ka soo jeedaa waxa ay ii qabaan in aan waalan ahay. Afar sano carruurteyda ma arag. Laba jeer oo ay Muqdisho iigu yimaadeen ayaan arkay. Carruurteydu waxay deggan tahay gurigooda Hargeysa. Sabab aan uga raro garan maayo. Sabab la iigu diido in aan gurigeyga tagana ma garanayo.

Mar loo sheegay in maalin uun uu ka soo noqon doono midnimada Soomaaliya oo uu aqbali doono gooni isu taagga sida siyaasiyiin isaga ka horreeyay ay sameeyeen, Nuur Faarax wuxuu ku jawaabay:

Waxa aan doonaayaa waa wax cad. Waa Soomaali mid ah oo aan dalkeeda kala lahayn Haddii aan anigu kari waayo [in aan ku guuleysto] taa macnaheedu ma ahan in waxa aan doonayo aanay xalaal ahayn. Soomaalinnimo in la helo mid ah, oo Dowlad ah, oo aan dalkeeda iyo dadkeeda kala lahayn, waa arrin xalaal ah oo aan meelnaba mugdi uga jirin.

Inkasta oo uu diiddan yahay gooni isu taagga Somaliland, haddana wuxuu qiran yahay heerka ay gaartay. Isaga oo duraya nidaamka Goboleysiga waxaa hadalladiisa ka mid ahaa:

Haddii Soomaali Gobollo loo qeybinayo oo la kala saarsaarayo, mid Somaliland ka qiimo badan laga sameyn maayo. Taa (heerkaa) ay Somaliland taagan tahay, cid soo gaarsiin kartaa ma jirto.

Siyaasigu in uu arrimaha dalka uu ku sameeyo daraasad qoto dheer, aad uga fikiro, talo qaato ka dibna uu mowqif iska taago, mowqifkiisana uu ummadda la wadaago waxay dadweynaha u sahleysaa in ay fahmaan arrimaha murugsan iyo weliba waxa ay uga talo galaan siyaasiga.

Ma habboona in sida siyaasiyiinta qaarkood lagu hadaaqo hadal dad kale laga maqlay oo aan xataa macnihiisa aanuu si wanaagsan u fahamsaneyn kan loo meeriyay.

Hadalka Wasiir Nuur Faarax oo qormadan kooban aad uga qota dheer waxaad ka dhegeysan kartaa Youtube.

W/Q: Yuusuf Garaad

XOG Xassan Sh oo Jahwareer wajahay & Odayaasha Hiiran oo Muqdisho looga yeeray

$
0
0

Wararka aan ka heleyno dhanka madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia uu Jahwareer ka heysto wararka kala duwan ee kasoo yeeraya Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu aad uga carooday haddal kasoo yeeray Odayaasha Hiiraan kaasi oo ah in Odayaasha iyo waxgaradka aysan Jowhar uga qeybgali doonin Shirka maamulka loogu sameynaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha oo hadalka kasoo yeeray Odayaasha ka duulaaya ayaa la sheegayaa in magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia uu ugu yeeray Tirro Odayaal ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo muddo Seddex maalin ah ku sugnaan doona Muqdisho, sida ay xogtu sheegeyso.

Xassan Sheekh oo ka cabsi qaba fashil ku yimaada shirka ka furmaaya magaalada Jowhar ayaa doonaaya in Odayaashaasi uu kala hadlo adkeynta heshiiskii ay madaxweyne Xassan kula galeen magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxda sare ee dalka ayaa aad kaga cabsi qaba in Fashil ama dib u dhac uu ku yimaado shirka Jowhar, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo Wasiirka arrimaha gudaha ay wadaan qorsho dib u dhac maalmo ah lagu sameynaayo furitaanka shirkaasi.

Lama saadaalinkaro natiijooyinka kasoo bixi doona kulamada uu Xassan Sheekh magaalada Muqdisho kula qaadan doono Tirro Odayaal kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho

Munaasabada lagu soo dhaweynayay Guudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Baladweyne

$
0
0

Munaasabada si heer sare ah loo soo agasiimay islamarkanaa lagu soo dhaweyay guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar (Daba geed) ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Baladweyne ee Caasimada gobolka Hiiraan.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Xidhibaanad Saamiiro Xassan Cabdulle Agaasiimaha waaxda dib u heshisiinta wasaarada ariimaha gudaha iyo Federaalka Daahir warsame Fiidow  Saraakiisha Ciidamada dowlada kuwa AMISOM odayasha dhaqanka waxgaradka gobolka Hiiraan ururka dhaliyarada gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Baladweyne.

Taliyaha Ciidanka jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga afrika ee AMISOM Col Cismaan dubad sugule iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dalka itoobiya ee AMISOM oo ka qeyb galay munaasabada ayaa dhamaantood soo dhaweyay guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar.

Guudoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar (Daba geed) ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono midnimada iyo wada jirka bulshada gobolka Hiiraan isago sheegay in qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayasha dhaqanka waxgaradka dhalinyarada haweenka looga bahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabad isago sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in meel wanagsan ay mareyso xalinta khilaafkii dhawan soo kala dhax galay labadii beelood ee ku dagalamay xaafadda holwadaag ee Baladweyne iyado dhawan wasarada arimaha gudaha ay shir dib u heshisiin u furtay dhinacyadii dhawan diriirtu ku dhaxmartay Baladweyne.
Guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan  Yuusuf Axmed hagar ayaa soo noqday guudoomiyaha gobolka Hiiraan 2005-2006 sido kalan soo noqday  2007-2008 iyado 19-12-2015 markale loo magacabay guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan  iyado ay noqoneyso markii sadexaad oo loo magacaabo guudoomiyaha gobolka,

Yuusuf Daba-geed oo sheegay in kulamo aysan ka warqabin aan lagu qaban karin Baladweyne.

$
0
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaanan Magaalada Baledweyne lagu qaban karin kulamo aanay ka warqabin maamulkiisa muddada uu xilka hayo.
Guddoomiyaha, ayaa wuxuu kaloo shaaca ka qaaday inaysan marnaba aqbali doonin in la qabto kulamo lagu dacaayadaynaayo sida uu yiri Madaxda Dowladda Somaliya, Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanadaba.
Gudoomiyaha oo shalay xilka la wareegay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan in la dhaliilo Madaxda Dowladda, laguna dhaliilo waxqabadkooda, balse aanay soo dhawayn doonin in warar aan jirin laga sheego.
Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan, ayaa wuxuu ugu baaqay inaysan isku dirin shacabka, maadaama uu Siyaasiyiinta ku eedeeyay inay yihiin kuwo markasta dadka isku dira, oo qaab qabiil u kala qaybiya.
Yuusuf Axmed Hagar, ayaa sheegay inuu jiri karo mucaarad dhaliili kara Dowladda iyo Maamulka Gobolka Hiiraanba, hase ahaatee waxa ay diidayaan uu yahay in isbaaro loo dhigto buu yiri Madaxda Dowladda.
Waxa uu digniin udiray sidoo kale Suxufiyiinta kusugan Gobalka Hiiraan oo uu uga digay iney Baahiyaan Warar ay kasoo qaadeen Shir aaney ogeyn Maamulkiisa isagoo ugu Hanjabay Saxaafada iney Xabsi muteysan doonaan
Hadalka ka soo yeeray Dabageed, ayaa ku soo beegmaaya, xilli Odayaasha Dhaqanka & Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan, ay qaarkood Wali diidan yihiin inay ka qaybgalaan Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, oo maalmaha soo socdo lagu wado in uu ka furmo Magaalada Jowhar.

Dhageyso : kulan loogu hadlayo hormarinta saxaafiyiinta gobolka hiiraan ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada beledweyne.

DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Cusub ee G/Hiiraan oo amaanay shaqada Ciidamada AMISOM

$
0
0

Yuusuf Axmed Hagar “ Yuusuf dabageed” Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay ka wadaan gobolka iyo sida ay ula shaqeeyaan shacabka reer Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Ciidamada AMISOM aan la’aantood laga Al-Shabaab laga saari lahayn Gobolka Hiiraan, waxa uuna tilmaamay in ay mudan yihiin in lagu amaano howsha adag oo ay hayaan.

Yuusuf Axmed Hagar “ Yuusuf dabageed” Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Magaalada beledweyne, waxana uuna sido kale munaasabadaasi ka sheegay inuu ka shaqeynayo hormarinta iyo xasiloonida Gobolka Hiraan.

DHAGEYSO-- Gudoomiyaha Cusub ee G-Hiiraan oo amaanay shaqada Ciidamada AMISOM -

Shirweynaha wadatashiga iyo Aayo ka Talinta Beesha Xawaadle oo ka furmay Beledweyne

$
0
0

Shirweynaha wadatashiga iyo Aayo ka talinta beesha Xawaadle ee Samadoon laba  ayaa  maanta si rasmi ah ugu furmay Magaalada Baladweyne  iyadoo ay  ka qeyb galeen  Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaalif Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar (Daba geed) Taliyaha Ciidanka jabuuti ee gobolka Hiiraan Col Cismaan dubad sugule, Xildhibaanad Samiiro Xassan Cabdulle, Cabdiraxman Xuseen Cadow oo u tagaan madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe qurbo joog,odayasha dhaqanka waxgaradka gobolka Hiiraan ururka dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Baladweyne,

Furitaanka shirka ayaa lagu soo bandhigay labo qorshe oo kala ahaa shirweynaha wadatashiga iyo Aaayo ka talinta beesha iyo dib u dhiska Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif international Airport oo la dhisay 1993 iyado xiligaas wixi ka dambeyay uusan helin wax dayactir ah islamarkana   marka la gaaro xilyada roobabka uu hakad ku yimaado howlaha garoonka taaso u baahan in wax laga qabto,

Ugaas cabdiraxmana ugaas khaalif oo si rasmi ah u daah furay shirka wadatashiga  ayaa sheegay in loo bahan yahay in si wada jir ah looga qeyb qaato dhismaha garoonka diyaaradaha ugaas khaalif ee Magalaada Baladweyne oo xiliyada roobabka ay dhibaatooyin kala kulman dadka ka dhoofay garoonka iyado mararka qarkood uu hakad galo howlaha garoonka islamarkana dad ku nool Magalaada ay ka dhoofan garoonka diyaaradaha deeganka Guriceel ee gobolka galgaduud.

Xildhibaanad Samiiro Xassan Cabdulle oo ka qeyb gashay shirweynaha wadatashiga iyo Aaayo ka talinta beesha Xawaadle ee maanta ka furmay Magaalada Baladweyne ayaa sheegtay in haweenka Soomaliyeed ay yihiin laf dhabarta bulshada islamarkana loo bahan yahay in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska garoonka diyaaradaha Baladweyne iyado sheegtay in bulshad ku dhaqan gobolka Hiiraan ay isku tashadan is loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Cabduqaadir Sheekh Muumin   oo hogaaminayay Wafdiga qurba joogta ee ka yimid dalka Kenya ayaa sheegay in ay soo ajiibeen baaqi ugaas cabdiraxmaan ee ahaa in laga soo qeyb galo shirweynaha wadatashiga iyo Aayo ka talinta beesha Xawaadle islamarkana looga hadli doono inta uu socdo Aayaha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Beesha.

Ugu dambeyntii Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Daba Geed) ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay kaalin weyn ay ka qaadan doonaa Sugida aminga goobta uu ka socdo shirweynaha wadatashiga iyo Aayo ka Talinta beesha Xawaadle isago ka codsaday bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan in laga wada qeyb qaato dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee Magaalada Baladweyne.

DHAGEYSO:- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Magaalada Beledweyne ka wada baaris Culus

$
0
0

Col. Xassan Cali Shuute guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad oo Hoggaaminaya saraakiisha ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ujeeddada ay u yimaadeen magaalada uu yahay sidii ay u baari lahaayeen waxa ka jira eedeymo la xiriira in ciidamada dowladda ay ka qayb-qaateen dagaalladii dhawaan dhacay.

Waxaa uu sheegay in maxkamada ciiidammada tallaabo cad ka qaadi doonto cid kastoo ku cadaato inay ku lug lahaayeen dagaalkii magaalada Beledweyn. Wuxuuna yiri. “Waxaan halkaan u joognaa inaan baarno waxa ka jira in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo qayb ka ahayeen dagaal beeleedkii dhawaan Beledweyne ka dhacay.”

Saraakiil ka socota maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa maanta ka bilaabaya magaalada Beledweyn baaritaanka la xiriira arrintan, waxayna kormeeri doonaan goobihii dagaalladu ka dhaceen, iyagoo wax ka weydiinaya dadkii shacabka ahaa ee lagu dul-dagaallamay.

Ugu danbeyn, waa markii ugu horreysay oo ay maxkamada ciidanka qalabka sida sameyso baaritaankaan oo kale, iyadoo horay u jireen warar sheegayay in ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Somalia ay dagaallada ka dhaca gobollada Somalia ay hab beeleed ahaan ugu qeyb galaan.

DHAGEYSO-- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Magaalada Beledweyne ka wada baaris Culus -

Guddoomiyayaasha Kaxda iyo Shangaani oo xilkii laga qaaday

$
0
0

Kadib soo jeedin ka timid Guddoomiyah Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xusen Jimcaale loona gudbiyay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilalkii looga qaaday Guddoomiyayaashii degmooyinka Shangaani iyo Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xilka qaadistaasi ay ku timid kaliya in la xoojiyo shaqada Mamaulka Gobolka sidoo kalena aan loogu dan lahayd cid gaar ah.
Guddoomiyayaasha xilka laga qaaday ayaa kala ah Axmed Xasan Yalaxow iyo Cabdi Kaamil  Shurki ayaa waxaana ay kala maamulayeen Degmooyinka Kaxda iyo Shangaani ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyah Kaxda oo maalmo ka hor ay si hoose u soo baxday Xil ka qaadistiisa ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid aan sax ahayn,waxaana uu intaa ku daray in uusan helin warqaddii xilka looga qaadayay.

DHAGEYSO: Guudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiran Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in bulshada gobolka hiiraan looga bahan yahay in ay muujiyaan midnimo islamarkana ay ka shaqeyaan nabad galyada waxaana dhankisa uu balan qaaday in si cadaalad ah u shaqeyndoono.

$
0
0

Gudoomiya cusub ee gobolka hiiraan ayaa shacabka ku nool gobolka hiiraan u sheegay in uu ugu shaqeyn doono si daacad ah.
waxaana uu ka codsaday dadka ku nool gobolka hiiraan in nabada ku dadaalaan.
Hoos Ka Dhageyso warbixinta

warbixin bashiir 444

Qabuuro lagu aaso dadka Muslimiinta ah oo kuyaala Magaalada Paris ee Caasimada dalka Faransiiska ayaa lagu aasay mid kamid ah ragii wax ka fuliyay weeraradii qasaaraha badnaa ee ka dhacay Magaalada Paris.

$
0
0

Qabuuro lagu aaso dadka Muslimiinta ah oo kuyaala Magaalada Paris ee Caasimada dalka Faransiiska ayaa lagu aasay mid kamid ah ragii wax ka fuliyay weeraradii qasaaraha badnaa ee ka dhacay Magaalada Paris.

Samy Amimour , oo kamid ahaa ragii weeraray Tiyaatarka Bataclan ee magaalada Paris goobtaasi oo mar qura lagu dilay 89-qof, ayaa si qarsoodi ah waxaa maalintii jimcaha aheed loogu aasay qabuuro ay leeyihiin Muslimiinta kunool Paris.
Ninkan ayaa horey u ahana jiray Darawal kaxeeya basaska kahor inta uusan xubin ka noqon kooxda Daacish, waxaana nikan uu kamid ahaa sideedii nin ee fuliyay weeraradii qasaaraha badnaa ee Pari ka dhacay 13-kii November ee sanadkan.

Qabuuro kuyaala Magaalada Paris ayaa lagu aasay Samy Amimour, waxaana aaska ninkan kasoo qeyb galay xubno kooban oo qoyskiisa kamid ah, mana jiraan wax calaamad ah oo loo yeelay qabrigiisa iyada oo laga cabsi qabo in ay halkaasi tagaan dad careesan.

Shacabka iyo Saxaafada Faransiiska ayaa laga qariyay aaska ninkan kamid ahaa kooxdii weerartay Magaalada Paris , aaska ayaana dhacay maalintii Jimcaha waxaana Warbahainta iyo shacabka loo sheegay axadii shalay in la aasay ninkii ugu horeeyay ee kamid ahaa Kooxdii Paris weerarka ka fulisay.

Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga saxaafadda.

$
0
0

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka saxaafadda Qaranka, kadib kulan ay isugu yimaadeen xarunta golaha shacabka.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray 142 mudane, waxaana kulanka diiradda lagu saaray meel marinta hindise sharciyeedka saxaafadda Qaranka.

Intaas kadib mudanayaasha ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay sharciga saxaafadda Qaranka, iyadoo 139 mudane ay ogolaadeen halka ay ka aamuseen saddex mudane, mana jirin cid diiday sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiir dowlaha Warfaafinta Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka uga mahadceliyay sida ay u meel mariyeen sharciga saxaafadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa mas’uuliyinta Wasaaradda Warfaafinta kula dar daarmay inay dhaqan geliyaan sharciga saxaadda.

Somaliland oo Visa $15 Doolar joogta ku soo rogtay Somalida koofureed,War-Saxaafadeed

$
0
0

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada maamulka Somaliland ayaa lagu shaaciyay go’aanno cusub oo dhinaca socdaalka ah.
Go’aannadaas waxaa ka mid ah in Dadka ka imanaya koofurta Soomaaliya ay Visa $15 (Shan iyo Toban) Doollar ah ku soo galaan Somaliland.
Hoos ka aqriso go’aannada:
1) Arrimaha Isu-socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya,
 2) Adkaynta Xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah,
3) Ka hortagga Tahriibayaasha dhexmara Jam. Somaliland,
4) Dadka Ajaanibka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Somaliland,
Haddaba, Golaha Wasiirradu markii ay si miisaaman oo qoto dheer uga doodeen ugana baaraan dageen arrimaha Isu-socodka dalalka deriska ah, isla markaana ay si qoto dheer ugu kuur galeen xaaladda haatan taagan ee la xidhiidha Dadka Ajaanibka ah ee Dalka Sharci-darrada ku jooga iyo Qul-qulka Tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya, waxay go’aamiyeen qodoban hoos ku xusan.
GO’AAMADA GOLAHA WASIIRRADA
1. Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya ee u kala Safraya labada dal:
Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa:
a) In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.
b) Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalka “Somaliland Immigration Office” warqadda socdaalka ee ku laabashada dalkiisa “Go Home Paper” ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.
c) Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo inay sticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda dalka “Entry Fee” waxa laga dhigay $15 (shan iyo toban Dollar) qofkiiba.
2. Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u kala Safraya labada dal:
Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u socdaalaya Dalka Soomaliya “Marka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolayn” waxa looga baahan yahay in ay haystaan:
a) Passport-ka Dalka Jam. Somaliland, hadii kale Ticket looma goyn doono ama
b) Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID),
Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa looga baahan yahay:
a) In uu haysto/in ay haysato Passport Jam. Somaliland ama
b) Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID) ama
c) In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.
3. Arrinta Dadka Ajaanibka ah ee Sharci-darrada ku jooga Dalka iyo Qul-qulka Tahriibayaasha:
1) Waxa reeban in qof ajaanib ahi uu dalka iska soo galo bilaa Fiise (Cir, Bad iyo Berri)’ fiisaha dalka lagu soo galayo waxa laga bixin doonaa marinka ugu horeeya ee uu qofku Jam. Somaliland ka soo galayo, iyadoo si degan loo hubinayo. Sidoo kale, Fiisaha dalka lagu soo galayo waxa uu qofku ka soo qaadan karaa dalka uu ka imanayo isagoo maraya Xafiiska Somaliland uga furan dalkaas.
2) Waxa reeban in dadka shisheeyaha ah ee aan isir ahaan u dhalan JSL ay sharci-darro ku joogaan dalka. Laga bilaabo 01.01.2016 ruux kasta oo sharci-darro ku jooga JSL waa in uu kaga baxo 30 cisho gudahood, ama waa in uu muddadaa gudaheeda ku qaato Warqadda Oggolaanshaha Degganaanshaha Dalka. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka saaraan Dalka Jam. Somaliland.
3) Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaan in Goobaha Ganacsiga sida Hoteellada la seexdo, Xawaaladaha, Guryaha la kireeyo, Macraddada Baabuurta, iwm ay qofka u adeegaan ilaa ay si buuxda u hubiyaan sugnaanshihiisa oo ay waydiiyaan aqoonsi “ID card” isla markaana ay nuqul ka reebaan aqoonsigiisa.
4) Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaa in Shirkadaha Telefoonnada iyo Is-gaadhsiintu ay iibiyaan sim-card-ka telefoonka aqoonsi la’aan. Cid kasta oo loo furayo khadka telefoonka waa in la diwaangeliyo, koobi aqoonsigooda ahna laga reebo.
5) Xukuumadda JSL waxay shacbi weynaha Jam. Somalilandka ku adkaynaysaa inay feejignaadaan kana wada shaqeeyaan sugitaanka amniga iyo xasiloonida dalkooda. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay shacbi weynaha ku wargelinaysaa inay u hoggaansamaan go’aannada cusub isla markaana ay buuxda ula shaqeeyaan Hay’adaha Qaranka ee amniga ku hawlan.
6) Waxa reeban in qof ajaanib ahi wax shaqo ah ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad la’aan. Cid kasta oo aan u dhalan dalkan, waxa ku waajib ah in ay qaadato Warqadda Ruqsadda Shaqada. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya Dalka (nooc kasta oo ay tahayba) waa inuu muddo ku siman 30 cisho ku qaato Warqadda Ruqsadda Shaqada”Work Permit”. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay Dalka ka saaraan.
7) Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Laanta Socdaalka) iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani khusayso waa in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan meel marinta iyo fulinta go’aamadan saamaynta ku leh arrimaha nabadgelyada dalka.
8) Iyadoo laga duulayo xaaladaha amniga mandaqada Geeska Afrika, dhinaca kalena mudnaanta la siinayo nolosha iyo daryeelka muwaadiniinta JSL, Xukuumadda JSL waxay si cad ugu digeysaa Tahriibayaasha dalkeeda dhex mara. Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee ammaanka waxa la farayaa in ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Dhageyso:-FADEEXO:-DFS oo loo diiday in ay Ogaato Daqliga ka soo xarooda Garoonka iyo Dekedda Muqdisho

$
0
0

Hanti Dhowraha Guud Ee Qaranka  Dr.Nuur jimacaale Faarax oo maanta ka hor hadlay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkadaha kala ah Favori iyo Al-Bayrak ee Maamula Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ‘Aadan Cadde” iyo Dekedda weyn ee Muqdisho ay diideen in lala Xisaabtamo oo la ogaado waxa soo gala iyo waxa ka baxa.

Dr.Nuur jimacaale Faarax ayaa Xusay Shirkadahaasi ay iska dhaadhiciyeen in aan lala Xisaabtami karin oo aan la handi dhowri karin.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka ayuu ugu baaqay  Dr.Nuur jimacaale Faarax in ay wax ka qabtaan inta aan la gaarin Bisha Janaayo oo Maalmo ay naga xigaan si loo soo xiro Xisaab xirka Sanadka 2015.

Shirkadaha kala ah Favori iyo Al-Bayrak aya Maamula Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda weyn,iyadoo aysan jirin wali wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkadahaasi Eeda loo jeediyay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Dhageyso--FADEEXO--DFS oo loo diiday in ay Ogaato Daqliga ka soo xarooda Garoonka iyo Dekedda Muqdisho - Hagenews.com

ISHAHIIRAAN

DHAGEYSO: Wasiirka A. Gudaha oo kormeeray xarunta shirka lagu qabanayo iyo guryaha ergada la dejinayo

$
0
0

Wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa kormeeray xarunta lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo guryaha la dejinayo ergada labada gobol oo lagu wado in dhowaan soo gaaraan magaalada Jowhar.

Goobaha ay kormeerka ku tageen ayaa ku kala yaalay xaafadaha Horseed iyo Hantiwadaag oo la qorsheynayo in goobo laga diyaariyay in la dejiyo ergada, iyadoo intii ay kormeerka ku guda jireen uu socday qalabeynta guryaha.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka mahad celiyay imaanshaha wafdiga, waxaana uu xusay in shacabka Jowhar ay u diyaar garoobeen soo dhoweynta wafuuda imaaneysa, isagoo tilmaamay diyaar garowga uu yahay mid habeen iyo maalin socda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shir jaraa’id qabtay, kadib markii kormeerka ku tageen xarunta shirka lagu qabanayo iyo guryaha la dejinayo ergada ayaa sheegay inay aad ula dhaceen sida wanaagsan ee diyaar garowga u socdo, isagoo xusay in Madaxweynaha ay u gudbin doonaan wixii ay arkeen.

“Maanta laga bilaabo magaalada Jowhar waa magaalo u furan shirka, maalinta aan ku dhawaaqeyno waa sheegi doonaa, waxaa fareynaa ciidamada qalabka sida in maanta wixii ka dambeeya ay qaadayaan mas’uuliyada ammaanka, howlaha maamul u sameynta waxaa la wareegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha”ayuu yiri Wasiir Odawaa

Wasiirka ayaa sheegay in dhowaan magaalada Jowhar uu imaanayo Madaxweynaha Soomaaliya, si loogu dhawaaqo uu shirka furmayo

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku ammaanay maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe wax qabadka la taaban karo ee uu ku tallaabsaday, gaar ahaan Guddoomiye Cali Guudlaawe oo uu xusay in mar walba ammaan.

Ugu dambeyn Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo intii ay ku sugnaayeen magaalada Jowhar waxaa aad loo adkeeyay ammaanka.

DHAGEYSO-- Wasiirka Arrimaha gudaha oo sheegay iney dedejineyso dhismaha Maamulka Hiraan iyo Sh-Dhexe -

Dhagayso:Wadada loo maraayo Wariyihii qalad galo oo la faah faahiyay

$
0
0

Ka dib shalay markii Baarlamaanka jamhuuriyada Soomaliya ay ansixiyeen sharciga Saxaafada somaliya ay ku shaqeeneyso kaasi oo mudanayaasha Baarlamanka ay gacan taag ku ansixiyeen
ayaa Cabdi Xaashi C/llaahi oo ah gudoomiyaha gudiga Baarlamanka Soomaliya u qaabilsan oo la hadlay Radio Danan ayaa waxa uu faahfaahin ka bixinayaa waxa uu yahay sharcigaasi iyo qaabka loogu dhaqmaayo.
dhanka kale gudoomiyaha gudiga Baarlamanka soomalia u qaabilsan dhanka saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in hadii Wariyaha uu qalad galo marka hore la saxaayo lana baraayo anshaxa Saxaafada digniin ka dibna hadii uu qalad kale galo lagu ganaaxaayo lacag dhan 3 boqol oo doolar ilaa iyo 3 kun oo dollar .

Ugu dambeyn waxa uu tibaaxay in u jeedka ansixinta sharcigaani uu yahay in uu sharcigaan uu noqdo mid Caalami ah oo ay sida tooska ah ugu dhaqanto Saxaafadda Soomaaliya.
Ururka Suxufiyiinta ee Nosej ayaa soo dhaweeyey ansixinta sharciga Saxaafadda oo ay ku howlgaleyso Saxaafada Soomaaliya iyadoona sharcigaan uu iska soo daba jiitamaayey ansixintiisa mudooyin badan.
Dhagayso
Dhagayso-Wadada loo maraayo Wariyihii qalad galo oo la faah faahiyay - Radio Danan (DBN) 94 FM

Iiraan oo ka hadashay Muwaadiniin uga Xiran Muqdisho

$
0
0

Wakaalada Ahlul Bayt News Agency ee laga leeyahay dalka Iran ayaa warbixin ay qortay waxaa kaga hadashay dareenka dowladda Iran kaga aadan muwaadinin Iranian ah oo u xiran ciidamada Nabad sugida Somaaliya.
Koox la sheegay in lagu magacaabo Al-khamani oo xiriir la leh safaarada Iran ee caasimada Muqdisho ku leedahay oo labada qof ay ka tirsanayeen ayaa baahinaayay fikirkia shiicada.
Ninka sii wada shaqada safiirka Iran ee Somalia Javad Dehghan ayaa cambaareyay xariga muwadiniinta dalka Iran,waxana uu dalbaday in xoriyadoodi ay dib u helaan.
Mas’uulkaasi ayaa sheegay in xabsiyada gacanta ay ku hayaan nabad sugida oo raga Iranianka ah ay ku jiraan ay tahay meel si xun loola tacaamulo maxaabiista ku jirta.

Viewing all 2155 articles
Browse latest View live